XOG: Waa maxay mowqifka DF kaddib qoraalka Afhayeenka Madaxtooyada (Maxaan ognahay?!)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Afhayeenka Madaxtooyada ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay hadal uu sheegay in si khalad ah loo fahmey ama looga xigtey oo baxay 27-kii Luulyo.

”Hadalkaygii ku saabsanaa hadal ay si khaldan la iiga xigteen dhowaan qaybo ka mid ah saxaafaddu ka bixiyeen jawaabihii aan ka bixiyey war-saxaafadeed xog-siin ah oo aan qabtay 27-kii Luulyo,” ayuu sheekada cinwaan uga dhigay Cabdikariin Cali Kaar.

Qoraalka ayuu Cali Kaar kusii xusay inuu raalligelin ka bixinayo in si khalad ah loo fahmey hadal uu ka yiri shir jaraa’id oo ay wada qabteen MW Somalia iyo Masar mar ay ku sugnaayeen Madaxtooyada Al Itixaadiya ee Qaahira.

Yeelkeede, qoraalkan marna kuma sheegin in Somalia ay Masar ama Itoobiya mid la jirto waxaana ku qoran in labada hoggaamiye ay ka wada niqaasheen in si ”wadareed oo nabdoon” loo xalliyo wixii muran ah.

Warkan ayaan lagu baahin degellada rasmiga ah ee Madaxtooyada.

Sidoo kale, xogo kale oo aannu helnay ayaa iyana noo xaqiijiyey in siyaasadda MW Somalia aysan marna ahayn inay Somalia la kala safato labada dal ee Masar iyo Itoobiya, balse taa biddaalkeeda uu doonayo in wixii iyaga ka dhexeeya ay iyagu ka wada arrinsadaan, sida ay xoguhu nagu soo gaarayaan.

Hadalsame Media