SAWIRRO: Maraykanka oo bilaabay inuu gawaaridiisa dagaalka u ekeeysiiyo kuwa Ruushka (Tababar dhacay & gaariga ay u ekaysiiyeen)

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Askarta Ilaalada Qaranka ee Ciidanka Arizona ayaa waxay isticmaalayaan gaashaan gawaarida Humvee-ga u ekaysiinaya gaariga Ruushka ah ee BTR-90 ah intii lagu guda jirey barnaamij tababar ah oo ka dhacay xerada Camp Roberts, California.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed dhowaan kasoo baxay Ciidanka, Askartan oo ka tirsan Guutada 1-aad, ee Qaybta 158-aad ee Ciidanka Lugta ee IBCT-ga 29-aad, ayaa waxa ay isticmaalayaan Humvee loo ekeeysiiyey BTR-90 oo ah beebbe uu Ruushku sameeyey.

Russian-looking Humvees were equipped with visual modification kits which consist of lightweight framing holding fabric coverings and inflatable features that mimic the visual signature and silhouette of the BTR-90.

Humvee-ga ayaa lagu gadaamay xirmooyin wax ka beddelaya muuqaalkeeda, kuwaas oo ka kooban qaab-dhismeed khafiif ah oo loo adeegsanayo sidii dhowraarin ama gaashaan ku dahaaran gaariga kaasoo markii la buufiyo u yeelaya qaabka BTR-90.

Gaashaanka noocan oo kale ah ayaa la sheegay in Humvee-ga ay wax badan uga tarayso dhanka is difaaca, balse waxaa la is waydiinayaa sababta loogu ekeeysiiyey beebaha Ruushka.

Hadalsame Media