Ruushka oo ”kashifay” qorshe lagu qafaalan lahaa dayuurado dagaal oo istaraatiji ah (Dalalka isla dejiyey & nooca dayuuradaha)

0

(Moscow) 27 Luulyo 2022 – Saraakiisha Adeegga Amniga Federaalka (FSB) ama haddii si kale loo yiraahdo Sirdoonka Ruushka ayaa waxay kashifeen oo ay fashiliyeen qorshe ay Ukraine ku doonaysey inay ku afduubato diyaaradaha dagaalka Ruushka, sida uu sheegay Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

“Dabcan, waa shaqo aad wax ku ool u ah oo ay qabteen sirdoonkeennu,” ayuu yiri Peskov ayaa oo hadlayey Talaadadii markii wax laga waydiiyey hawlgalka FSB. “Taasi waa sababta aad loog qiimeeyo – waxay heleen buundooyin sare.” ayuu raaciyey.

FSB ayaa ku dhawaaqday Isniintii kasii horreeysey inay fashilisay qorshe cajiib ah oo ay wadeen basaasyo u dhashay dalka Ukraine – oo hoos taga NATO – taasoo ay ku doonayeen in ay dhowr diyaaradood ka qafaashaan millteriga Ruushka.

Mid ka mid ah shakhsiyaadka hormuudka ka ah hay’adda baarista ee ay maalgeliso Dowladda Maraykanka ee lagu magacaabo Bellingcat, Christo Grozev, ayaa sidoo kale ku lug lahaa qorshahan, qorshe lagu doonayey in lagu laaluusho dhowr duuliye oo Ruush ah.

Duuliyeyaasha diyaaradahan ayaa loo ballanqaaday lacag dhan 2 milyan oo Doollar, baasaboorro Midowga Yurub ah, iyo nolol raaxo leh oo ay ka makansadaan reer Galbeedka si ay diyaaradahooda ugu dejiyaan dalka Ukraine.

Sida laga soo xigtey mid ka mid ah ilahan, oo la hadlay RT, Kiev ayaa si gaar ah u xiisaynaysey diyaaradaha dagaalka ee Su-34 iyo diyaaradaha sameeya duqaymaha istaraatiijiga ah ee Tu-22M3.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu ma aysan u guuxin dalabka Yukrayn, iyaga oo xogahan u gudbiyey Sirdoonka Ruushka FSB oo ah hay’adda lagu bedeley KGB.

Hadalsame Media