Itoobiya oo uu kasoo yeerey marqaati-furka war aan horay u qornay (Waxa uga eg DF?)

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Buffer Zone? Sida muuqata Itoobiya waxa ay xalaaleysaneysaa in ay sifo sharci darro ah ku joogto dalka Soomaaliya.

Hadalka Cagjar waa xadgudub qaawan, haddii uu rabo in uu dalkiisa difaaco haku ekaado xuduud beenaadka oo halkaas ha iska difaaco.

Laakiin hada Itoobiya waxa ay u muuqataa mid dhaqankii Kenya ee Jubaland mid la mid ah abuureysa, waana halis.

Kenya, Jubaland uma joogto sugida amniga Soomaaliya ee sida marar badan siyaasiyiintooda Shegaan “Buffer Zone” ahaan, meel laga difaaco dalkooda ayey u isticmaalaan.

Hadaba, Itoobiya hada ma Hiiraan ilaa iyo Bakool ayaa Buffer Zone u noqon doona?

Dowladda iyadaa u xilsaaran ilaalinta madax bannaanida dalka, waa in ay kahortagtaa ficillaas.

Siyaasiyiinta, muxaafad, mucaarad iyo shacab kuma kala qeybsami Karaan danta guud ee Qaranka.

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media