Halista ku jirta hadalka Mustafe Cafjar & sida ay Itoobiya u adeegsan karto

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Madaxweyne Mustafe Cagjarow, saaka Feerfeer wax aad ka tidhi hadal macnihiisu ahaa, Shabaab si aynnu u ga joojinno in ay soo galaan DDS waa in aynnu gudaha Soomaaliya ka samaynnaa “buffer zone”, dhul la ga caaggan yahay.

Yacniga dhul Itoobbiya ilaashato, si la mid ah sida Kiiniya ku qabsatay Jubbalaand.

Mustafow, afkaasi waa afkii gumaystayaasha Amxaarada, Tigrayga iyo Kikuuyada, iyo xeeladahoodii dhul-ballaadhsiga. Itoobbiya ha siin marmarsiinyo ay berri ku dhul-ballaadhsato, ogowna xuduud beenaadda Soomaalidu sideedaba in ay aad iyo aad xasaasi u tahay.

Faragelin kasta oo soohdinta dhankeeda kale Itoobbiya ama Kiiniya ku samayso oo aynnu aqbalnaa wax ay isu rogi kartaa mid joogto iyo dabadeed rasmi noqota.

Weliba ogow oo xad-beenaadka u dhexeeya Koonfurta Soomaaliya iyo Itoobbiya jiiddeeda reer Yurub ma cayimin oo weli waa ay furan tahay.

Haddii aad khariidadda caalamka eegto soohdinta gaalku u xarriiqay Itoobbiya iyo Soomaalilaand waa diillin xidhan oo sidan ah __________ halka diillinta Koonfurta martaa tahay mid furan oo sidan ah …………………

Taladaa aad saaka keentay waxaa ka qumman adiga oo wada shaqayn amni la yeesha ciidamada Jamhuuriyadda iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan xuduud beenaadda.

Bidaari sibiq bay ku gu gashaa.

W; Q: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media