XOG: Itoobiya oo laba qorshe maaggan haddii ay isku xumaadaan DF Somalia (Su’aalo ka taagan Al Shabaabka weeraray)

0

(Addis Ababa) 26 Luulyo 2022 – Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay inay dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho ka weerartay xadka haatan kala qaybiya labada dal, balse waxaa soo baxaya shaki cusub.

Ciidamadan Al Shabaabka ah oo la sheegay in markii hore ay gudaha Itoobiya galeen 70-100 km ayaa markii dambe la sheegay in la laayey.

Waxaa su’aalihii markii hore soo baxayey ka mid ahayd sababta ay ku dhacday inay u suuragasho inay ilaa masaafadaa socdaan iyaga oo aan wax iska caabbin la kulmin marka laga reebo dagaalkii hore ee bilowgii dhacay. Warar badan ayaa sheegaya in laga warqabey is diyaarintooda bilowgiiba.

Xog kale ayaa iyaduna sheegaysa in Itoobiya ay u adeegsanayso weerarka Alshabaab ee Liyu sabab inay ciidan ka badan 1000 askari oo dhulka ah soo geliso gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la is waydiinayo halkii ay ciidankani jireen markii hore?

Ilo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin ayay qaarkood sheegayaan in haddii ay Somalia isku xumaadaan ay doonayaan inay la shuraakoobaan Maamulka KG Somalia wax u qaab eg xiriirka Jubbaland iyo Kenya iyagoo adeegsanaya ciidamadan.

Waloow aysan wax rasmi ihi dhicin weli, misna waxaa la dareemayaa in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu gaarey heerkii ugu hooseeyey tan iyo markii uu xilka Somaloa la wareegey MW Xasan Sheekh.

Toddobaadkii hore, ayaa tusaale ahaan la sheegay in DF Itoobiya ay baajisay oo ay dib u dhigtay booqasho aan la cayimin oo uu ku tegi lahaa Addis Ababa markii uu Jabuuti tegey, iyadoo la sheegayo in sawirka ay sameeyeen booqashooyinka is daba joogga ah ee Xasan Sheekh ay ka xumaatay Addis Ababa, maadaama uu dhinacyada ka mar maray balse aanu weli iyaga booqan.

Hadalsame Media