QISH MACQUUL AH: Siyaasi taabtay arrin ay tahay inay DF Somalia kala hadasho Itoobiya haddii ay doonayso in dhexdhexaad laga noqdo arrinta Niilka

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2022 – Siyaasiga Maxamed Cabdi Waare ayaa taabtay mowduuc muhim ah oo ku saabsan webiyada Somalia taasoo sanadihii dambe soo noqnoqonaysey balse aysan marna madaxda DF Somalia ka hadlin.

Waa in webiyada Jubba & Shabeelle ay u dhexeeyaan mar ay dhowr bilood guraan sanad kasta iyo mar ay keenaan biyo fara badan oo ay ku fatahaan dadka deggan daamaha webiyadan.

Arrintan ayaa maadaama ay tahay arrin loo tixgeliyo ammaan qaran waxay ahayd in Itoobiya lagala hadlo habsami u qulqulka biyahan iyadoo la sheegay in biyo-xireenno laga dul dhisay, taasoo yaraysay saamigii biyaha Somalia.

Haatan ayay arrintani taagan tahay maadaama ay Itoobiya doonayso in Somalia aysan taageerin Masar oo ka cabanaysa isla arrin la mid ah midda Somalia markii farsamo ahaan loo eego, waloow aysan saamayn ahaan isu dhowayn oo aanu Niilka Masar weli gaarin inuu guro.

”Haddii ay Itoobiya rabto in loogu hiilliyo mowqifkeeda GERD, in webiyada Shabeelle iyo Jubba ay xilli ahaan qallalaan maaha habka ugu wanaagsan ee taa loo samayn karo,” ayuu ku bilaabay Waare.

”Haa, go’aannada halka dhinac laga gaaro ee marin-biyoodka xudduudaha isaga gudba ay saamayn ku yeelanayso hab-nololeedyada bulshooyinka dhulka hoose. Iskaashi waa muhiim.” ayuu daba dhigay.

MW Somalia ee Xasan Sheekh oo la filayo inuu dhowaan tago Itoobiya ayay tahay inuu ku baraarugo arrintan oo uu lasoo qaado RW dalkaasi oo sanadihii uu joogey sheegayey inuu xiriir wanaagsan ka doonayo dalka Somalia.

Hadalsame Media