DAAWO: Ma ogtahay inuu Somalia Jaad badani ka baxo? (Gobolka uu ka baxo & caqabadda)

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2022 – Somalia ayaa ah dalka ugu Jaad cunka badan adduunka taasoo wax badan ka kharribtay bulshada gaar ahaan dhanka wax soo saarka, anshaxa ummadda iyo dhaqaalaha.

Somalia ayaa haddaba Jaadka kasoo waaridda dalalka deriska ah sida Kenya, Itoobiya iyo xitaa Yaman, balse Somalia iyadu Jaadka ma beeran kartaa?

Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka baxa Jaad balse beeraha Jaadka ah ee halkaa ka baxa ayaan lahayn kaabayaashii muhimka ahaa sida jidadka taasoo suuq la’aan dhigtay.

Beeraleeyda Jaadka Calmadow oo ah nooca Itoobiya ka baxa ee Hareeriga, ayaa aaminsan inay qabsan karaan suuqa Somalia haddii loosoo jeesto oo jidadka soo sameeyo.

FG: Jaadku ma aha wax fiican.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media