Daroonnada Turkiga oo lagu samaynayo dal u dhow Somalia & Turkiga oo ka meermeeraya dalab ka yimid Ruushka

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2022 – Waxaa lagu soo warramayaa inay xarunta soo saarta daroonnada Turkiga ee Baykar Makina ay xarun wax soo saar ah ka samaysatay Imaaraadka islamarkaana uu MW Ruushka ee Vladimir Putin uu sidoo kale doonayo inay Turkigu aasaaska u dhigaan wershad kale oo laga sameeyo Ruushka.

Sida laga soo xigtey CNN Turk, Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay asxaabtiisa kulan ay yeesheen dadka xisbigiisa ugu sarreeya in Putin uu la soo xiriirey intii lagu jirey shir dhowaan ka dhacay Tehraan si uu ugu soo jeediyo heshiis uu la galo shirkadda Turkiga ee Baykar si ay dalkiisa ugu soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dhib wayn u gaystey ciidamada Ruushka ee Ukraine jooga.

“Putin wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu la shaqeeyo Baykar,” ayuu yiri Erdogan. “Waxa uu soo jeediyey in wershad laga sameeyo Ruushka sidii ay [Bayakr] ka sameeysay Imaaraadka.”

Afhayeen u hadlay Baykar ayaa se beeniyey in shirkaddu ay wershad ka sameysatay Imaaraadka. Afhayeenka ayaa laakiin diidey inuu ka hadlo soo jeedinta Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog ogaal ah oo arrintan la xiriira ayaa sheegay in Baykar ay dhab ahaantii ku howllan tahay sameynta khad wax soo saar oo ka hirgala Imaaraadka.

Wasiirka Difaaca Ukraine, Oleksii Reznikov, ayaa shaaca ka qaaday bishii hore in Ukraine ay ka heshay shirkadda hubka ee Turkiga ee Baykar ilaa 50 diyaaradood oo ah nooca Bayraktar TB2 tan iyo bilowgii duullaankii Ruushka ee 24-kii Febraayo.

Hadalsame Media