Maxay wargaysyada Masar ka qoreen booqashada MW Somalia uu ku joogo dalkaasi (3 arrimood oo ay isku raaceen)

0

(Qaahira) 25 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaraey magaalada Qaahira ee dalka Masar iyagoo maanta la kulmay MW Masar Cabdulfataax Al Siisii.

Wefdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha shalay si diirran ugu soo dhaoweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar, Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Yeelkeede, waxaa la isla dhexmarayaa waxa muhiimadda gaarka ah haatan u yeelay dalka Masar oo ah dal inta badan Somalia u adeegsada fushiga dano istaraatiji ah oo uu leeyahay, balse iska illooba markii ay dhibaato haysato, sida dhacday muddadii burburka.

Villa Somalia ayaa sheegtay inay labada dhinac ka wada hadlayaan dhaqaalaha, ammaanka iyo waxbarashada, iyadoo ammaanka ay il gaar ah ku hayso Itoobiya oo tillaabadan Masar u aragta mid la isku qabadsiinayo iyaga iyo Somalia oo ku socota siyaasad had iyo goor u qaab eg maamulka markaas jooga.

Yeelkeede, wargaysyada kasoo baxa dalka Masar sida Masr SAl Yoowm, Daily News Egypt, Al Ghad oo Urdun iyo Al Cayn oo Imaaraati ah ayaa wada qoray in booqashadan oo 3 maalin ah looga hadlayo iskaashiga caalamiga, argagixisada, macallimiintii Masaarida ee Somalia laga soo saaray xilligii nidaamkii hore.

Hadalsame Media