Dal ka mid ah kuwa ugu waawayn NATO oo ka xumaaday kaddib markii ay Poland ku dhawaaqday inaysan dhisayso ciidanka dhulka ugu xooggan Yurub

0
Military parade in Warsaw on the day of the Polish army. 15 August, 2018, Warsaw, Poland (Photo by Krystian Dobuszynski/NurPhoto via Getty Images)

(Hadalsame) 25 Luulyo 2022 – Poland ayaa waxay doonaysaa inay abuurto ciidamada dhulka ee ugu awoodda badan xubnaha Yurub ee NATO, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee dalkaasi ee Mariusz Blaszczak mar uu waraysi siiyey majaladda Sieci, kaasoo qaybo ka mid ah oo la daabacay Axadii.

Sarkaalku wuxuu xusay inuu u arko Ruushka iyo sidoo kale xulafadiisa Belarus, inay yihiin cadowyo suurtagala oo ay tahay in looga hortago ciidan awood leh, isagoo ku dooday in Ruushku uusan doonan dalkii xoog ka muuqdo.

“Waxaan ku jirnaa safka hore, waxaan xuduud la leenahay Ruushka dhanka waqooyiga, iyo dalka Belarus,” ayuu yiri Blaszczak, isaga oo tixraacaya soohdinta Poland ee gobolka Kaliningrad ee Ruushka.

Yeelkeede, qorshayaasha millateriga Poland ee hamigu ka muuqdo ayaa hardan kala kulmi doona Jarmanka, sida horraantii sanadkan uu ballanqaaday RW Olaf Scholz oo wacad ku maray inuu Bundeswehr ka dhigi doono “ciidanka aan nukliyeerka haysan ee ugu wayn” ee dhammaan Dowladaha NATO ee Yurub.

Si kastaba, Poland ayaa waxay hadda isku dayaysaa inay dib u buuxiso kaydkeeda hubka kaddib markii ay Ukraine ku wareejisey in ka badan 200 oo taangiyada T-72 ee xilligii Soviet-ka si loogu isticmaalo colaadda Ruushka.

Toddobaadkii hore, Blaszczak wuxuu ku dhawaaqay iibsashada 116 taangiyada dagaalka ee M1 Abrams ee Maraykanka oo gacan 2-aad ah, iyaga oo sidoo kale soo iibsana 250 taangi oo cusub.

Warsaw ayaa markii hore damacday in ay kaydkeeda ku buuxiso taangiyada Leopard 2 ee Jarmanka, balse heshiiskii la filayey ma hirgelin, iyadoo uu Madaxwaynaha Poland ee Andrzej Duda uu ku eedeeyey Berlin inay ka baxday ballanqaadkeedii ahaa inay beddelayso hubka duugga ah ee Poland.

Hadalsame Media