Dal Khaliiji ah oo wasiir xilka uga qaaday maxaad u salaami waydey Danjiraha Yuhuudda ee dalkaasi

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2022 – Wasiiraddii Dhaqanka iyo Agabka Qadiimiga ah ee Baxrayn ayaa xilka laga xayuubiyey kaddib markii ay diiddey in ay gacan qaaddo Danjiraha Israa’iil ee dalkaasi horraantii bishan, sida ay sheegtay Doha News.

Sheikha Mai bint Mohammed Al Khalifa, oo si wayn loogu yaqaanno diidmadeeda xiriirka Israel, ayaa la eryey kaddib dhacdadan, taasoo ku beegnayd 16-kii Juun balse haatan la shaaciyey, guriga Ergayga Maraykanka ee Bahrain, Stephen Bundy.

Tiro safiirro ah iyo mas’uuliyiin ayaa isugu soo baxay guriga Bundy si ay ugu sameeyaan tacsi ku aaddanayd geeridii aabihiis.

Ha yeeshee, intii ay socotey munaasabadda, ayaa Sheikha Mai la sheegay in la baray Safiirka Israa’iil balse waxa ay la baxday gacanteeda oo ay gadaal u ceshatey, taas oo loo arkay jac siyaasadaysan.

Sida ay wararku sheegayaan, Sheikha Mai ayaa waxay markaa ka tagtay guriga Safiirka Maraykanka waxayna codsatay in sawiradeeda muujinaya inay goobtaa tagtay aan la daabicin.

Yeelkeede, maalmo kaddib, Boqor Hamad bin Ciisa, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Sheikh Khalifa bin Ahmed bin Abdullah Al Khalifa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Dhaqanka iyo  Agabka Qadiimiga ee Bahrain.

Sheikha Mai, oo sidoo kale madax ka ahayd Xarunta Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee Sheikh Ibrahim, ayaa la sheegay inay dalka ka maqnayd waqtiga lagu dhawaaqayey in xilkii laga qaadayey.

Sannadkii hore, Sheikha Mai waxay xarunta ku martigelisey Ilan Pappe, oo ah Profesor iyo qoraa aad u neceb Sahyuuniyadda, taasoo lagu tilmaamay arrin “dhirbaaxo” ku ah dadaallada caadiyaynta xiriirka Bahrain iyo Israel.

Baxrayn iyo Imaaraadku waxay caadi ka dhigeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil bishii Sebtembar 2020-kii heshiis uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa bilihii u dambeeyry ee maamulkii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Marooko iyo Suudaan ayaa iyana raacay inyar uun kaddib, waloow aysan taasi keenin in Israel ay u naxdo reer Falastiin ama bedesho sida ay ula dhaqanto.

Hadalsame Media