”Haddii aan nin sawir la galo waxaa la leeyahay isagaa qaba!” – Fiska oo sheegtay dan ugu jirta dadka maagaya (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2022 – Fanaanadda Farxiyo Fiska oo beryahan baraha bulshada aad looga hadalhayo wiil ay is guursadeen ayaa markii ugu horreeysey arrintaa ka hadashay.

Fiska ayaa ku doodday in ”haddii ay nin sawir la gasho maalinta xigta la leeyahay isagaa qaba!”, taasoo ay ku tilmaantay mid ay mararka qaar xitaa rumaystaan qoyskeedu, waloow ay qirtay in wiilka haatan la sheegayo ay is qabaan.

Fiska oo si la yaab leh uga hadashay arrintan ayaa tilmaantay in caannimadu ay dhibaato badan ku tahay Soomaalida oo sheegtay inay dhibaan dadkooda caanka ah qaarkoodna ayba iska caayayaan qofkii oo aysan xitaa is aqoonin.

Waxay Fiska ugu dambayn sheegtay in waloow ay qadyaan ka joogto dadka baraha bulshada ka caaytama ay misna dadkaasi iyada dembi uun ka qaadayaane aysan waxba u dhimaynin.

Caadiyan guurka ayaa ka mid ah waxyaabaha gaarka ah ee uu xaqa u leeyahay qofku oo aysan dadwaynuhu xaq u lahayn inay afkaaro ka dhiibtaan ama go’aamiyaan, balse inta badan Soomaalidu kala saarto wixii guud iyo wixii gaar ah.

Hadalsame Media