Masar oo Somalia u isticmaashay sidii can-tallaal istaraatiji ah (Hadal is tusaya Somalia & Itoobiya oo…)

0

(Qaahira) 25 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaraey magaalada Qaahira ee dalka Masar iyagoo maanta la kulmay MW Masar Cabdulfataax Al Siisii.

Wefdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha shalay si diirran ugu soo dhaoweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar, Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Yeelkeede, MW Masar ayaa ku dhawaaqay wixii ay dad badani MW Somalia uga digayeen inuu dhexgalo oo ah in Somalia loo adeegsado can-tallaal istaraatiji ah oo afka loo geliyo Itoobiya mar kasta oo ay biyaha Niilka ku murmaan Itoobiya iyo Masar.

Madaxwaynaha Masaarida, Cabdifitaax Siisi ayaa sheegay in shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Soomaaliya kaga dhawaaqay inay isku afgarteen Somalia ”in khatari ka imaan karto ficillada halka dhinac ah ee la xiriira biyo-xireenka webiga Niilka Buluugga ee Itoobiya kasoo bilaabma, kaasi oo ay xuddun u ah khilaafka iminka ka dhex taagan Masar-toobiya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa ku heshiiyey in Biyaha wabiga Niilka, qeybta Masar ay tahay lama taabtaan wadajirna loo difaaco, taasoo Somalia taagaysa boos halis ah.

Arrintan oo kale ayaan ahayn mid ay Somalia tabar u hayso amaba ay xitaa u baahan tahay marka la eego danaha istaraatijiga ah ee Somalia oo ah dal aan inta badan saaxiib dhab ah dunida ku lahayn, islamarkaana qoorta loo geliyo dalalka deriska la ah oo uu gumaysigu siiyey dhulal ay Soomaalidu leedahay.

FG: Can-tallaal waxaa la yiraahdaa cadka hilibka ah ee lagu xiro jillaabta si loogu dabo kalluunka.

Hadalsame Media