XOG: RW Xamse oo Baarlamanka ka codsanaya in maalmo loogu daro dhismaha Xukuumadda (Kulan la iclaamiyey)

0

(Muqdisho) 23 Luulyo 2022 – Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabku uu Xildhibaannada u kala diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in berri uu jiro kulan rasmi ah.

Kulankan ayaa uu ajendihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha DF ee Xamse Cabdi Barre.

Codsigan ayaa ah mid uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dalbanayo in 10 cisho oo dheeraad la siiyo, kuwaasoo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama maalinta berri ku egtahay 30 cisho oo ahaa muddada uu u haystay inuu Gole Wasiirro ku soo dhiso.

Si kastaba se, ma jiro xeer dastuuri ah oo sidan dhigaya, balse waa curfi siyaasadeed iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Hadalsame Media