DAAWO: Xaaska RW Jarmanka oo caadaysatey inay waraaqo sir qaran ah qashinka ku darto & Qofka kashifay

0

(Berlin) 24 Luulyo 2022 – Xaaska Shansalarka Jarmanka ee Olaf Scholz ee Britta Ernst ayaa la sheegay inay si isdaba joog ah ay dukumentiyo gaar ah ugu tuurtay qashinka guriga, sida uu kashifay warqaadka Der Spiegel.

Haweenaydan ayaa lagu eedeeyey inaysan kaliya isku dhex qasin, taasoo jebinaysa xeerka dib u cusboonaysiinta qashinka si loogu daneeyo degaanka, balse ay sidoo kale xoortay dokumentiyo sir qaran ahaan loo calaamadeeyey. Wargayska ayaa waxa uu helay qayb ka mid ah dokumentiyada lagu tuuray qashinka oo uu soo saaray qof deris la ah lammaanaha guri ugu yaalla Potsdam oo ah magaalo yar oo u dhow caasimadda Berlin.

Kaaga darane Ernst, 61-jir, waa Wasiirka Xaxbarashada ee Maamul-goboleedka Brandenburg oo ay hoos tagto magaalada Potsdam. Waxayna u muuqataa inay caadaysatay inay iska tuurto waraaqaha sirta ah iyada oo aan jeexjeexin, majaladda ayaa sheekada ciwaan uga dhigtay ‘waxani ma sir baa mise waa la tuuri karaa?’

Scholz iyo Ernst deriskooda ayaa markii ugu horreeysey ku turunturrooday dukumeentiyadan bishii Nofeembar ee sanadkii hore. Waraaqaha daadsan sagxada bannaanka qolka qashinka waxaa ka mid ah khudbadii ay Ernst lafteedu jeedisey maalmo  yar uun kahor.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media