“Cidna ma xadi karto dadaalkeenna Somalia!” – Ma ogtahay inay Masar taageertay go’aan istaraatiji ahaa oo Somalia uga hiilliyey Itoobiya (Hadda maxaa la gudboon DF?)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – Masar iyo Itoobiya iyo Saamayntooda Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya midba si ayuu xaaladda Soomaaliya u arkaa. Dawladihii reer Maxamed Cali Baashaa ee Masar ka soo talinayey gaar ahaan xilligii Suldaankii la odhan jiray Khedeewe Ismaaciil, Itoobiyana uu ka talinayey Boqorkii la odhan jiray Yohannes Masaarida iyo Itoobiyaanku waxay dagaalo culus muddo ku dhex mareen deegaano badan oo ka tirsan Suudaan iyo Elatariya, oo ilaa Jabuuti iyo Saylac soo gaadhay. Masar xilligaa Suudaan iyo xeebaha badda Cas-ba saamayn weyn ayey ku lahayd.

Dagaalka labada dhinac dhex marayey wuxuu markaa ku qotomay cashuur badan oo ay Masaaridu ka dooneen badeecadaha Itoobiya ku socda, iyo damac galay dawladii Masar, maadaama ay Masaariduu waddada laga soo galo badda Cas saamayn ku lahaayeen.

Dagaalkaas labada dhinaca dhex maray oo kuwoodii ugu cuslaa dhaceen sanadihii 1875-76 waxaa lagu jebiyey Masaarida, waxaana halkaa ku soo afjarmay dagaalkii xilligaa labada dal dhexmaray.

Loollanka labada dal halkaa iskuma taagin, bilowgii qarnigii 20-aad mar kale labada dal waxaa ka dhex qarxay loolan kale oo markan ku saabsan qaybta dal waliba ka heli karo biyaha webiga Nile, hirdenka biyuhu wuxuu halkii ugu sareeyey gaadhay markay Itoobiya doontay in ay biyaha ka faa’iideysato, biyo xidheenka Afrika ugu weyna samaysato sanadkii 2011. Wixii intaa ka danbeeyey Masar waxay u aragtay in nolosha bulshada reer Masar khatar weyni la soo gudboonaatay.

Soomaaliya markasta waxay ahayd meel labada dalba indho kala duwan ku eegaan, xilligii Khedeewe Ismaaciil Masaaridu waxay Soomaaliya ka soo gaadheen dhinaca Saylac iyo Berbera, laakiin intii Ingiriiska iyo Faransiisku xeebaha soo kubaareeyeen saamayntii Masaaridu meesha waa ay ka baxday, waayo Masar ayaaba gacmaha Ingiriiska iyo Faransiinka gashay.

Wixii intaa ka danbeeyey xaaladdii Geeska Afrika way isbeddeshay waxaana hoggaaminayey dhacdooyinka maamul iyo siyaasadaba dalalkii Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Wixii lixdankii ka danbeeyey muuqaal kale ayuu yeeshay gobolka Geeska Afrika, siyaasaddii Masar iyo Itoobiyana waxay noqotay mid iskaashata. Waxayna arrinta iskaashiga Masaarida iyo Itoobiya soo shaac baxday markii la samaynayey ururkii Midowga Afrika ee OAU-da sanadkii 1963kii, Itoobiya oo dhulal badan lagu wareejiyey waxay soo jeedisey in xuduudaha Afrika sidii gumaysigu kaga tagay loo daayo.

Qodobkaa Soomaaliya way diiddey, laakiin Masaaridu Xayle Salaase arrintaa way ku taageereen, Jamaal Cabdi Naasirna wuu la meel mariyey Itoobiya, Soomaaliya iyo Masarna khilaaf siyaasiya oo xoogweyn ayaa dhexmaray. Soomaaliya waxay Masar xilligaa ka filaysay in ay diiddo qodobkaa maadaama Masartii Jamaal Cabdinaasir ay ahayd mid ka soo horjeedda gumaysiga, sheegtana in ay u hiilliso bulshooyinka la dulmayo.

Isbeddelladu waa kuwo xawli ku socda e, Itoobiya waxaa ka dhacay inqilaab, waxaa xukunkii yimi Mingiste Xalayle Maryam, Soomaaliyana Siyaad Barre ayaa inqilaab ku qabsaday, Masarna Anwar Saadaat. Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex qarxay Masar waxay is garab taagtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay u hiilisay Anwar Saadaat xilli dunida Carabtu go’doomisey, markuu Israa’iil heshiiska la saxeexday. Intaa wixii ka danbeeyey xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya aad ayuu xoogaystey.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxba isulama hadhin, dagaalkii tooska ahaa ee 1977-kii ka sokow waxay labada dhinacba isku hubeeyeen mucaaradkii labada dhinac, Siyaad Barre iyo Mingiste waxay kala danbeeyeen shan bilood wax ka yar. Itoobiya markiiba lugaheeda ayey isku taagtay oo xukun ahaan way xasishay, laakiin Soomaaliya waxay dhex muquuratay dagaal sokeeye iyo dhibaato aan ilaa maanta xal loo hayn.

Masaaridu arrimaha Soomaaliya may danaynayn wixii ka danbeeyey burburkii 1991-kii, waxayse mar kaliya soo boodeen sidii Dhidar onkod kiciyey markay arkeen in ay aanay Geeska Afrika wax saamayna ah ku lahayn. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Masar Camar Muusa ayaa bilowgii markuu xilka qabtay 1991-kii sida uu ku sheegay xusuus qorkiisa wuxuu Soomaaliya u diray ergay uga soo warama xaaladda Soomaaliya, waxayse markiiba Masar ku mashquushay arrimaha Bariga Dhexe, waxayna mar kale soo jeesteen oo culayska saareen Soomaaliya sanadkii 1997-kii.

Dhammaadkii sanadkaa waxay shir isugu yeedheen laba garab oo Soomaaliya markaa aad ugu loollamayey, kooxda Soodare iyo kooxdii Salbalaadh, Cigaal isagu wuu diidey in uu shirkaa ka qayb galo, waxayse Masar shirkaa ku gashay iyaga oo aan xog badan ka hayn isbeddelada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay burburkii kaddib.

Shirkii Qaahirana wuxuu noqday mid fashilmay oo xaaladdii Soomaaliya uga sii daray, Itoobiyana u aragtay in Masar soo hunguraysay goob gaar iyada u noqotay, xilligaana IGAD waxay Itoobiya u xilsaartay oo mas’uul looga dhigay xal u helida dhibaatada Soomaaliya, Itoobiyana waxay aad uga shaqaysay in shirka Qaahira fashilmo.

Wasiir Xigeenkii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya ee 1998-kii Tekeda Alemu wuxuu wargeysa Al-Hayat cadadkiisii London kasoo baxay 03-03-1998 u sheegay in aanay marnaba ogolaan doonin in la dhaco dadaalka ay ka wadeen Soomaaliya, hadalkaasi oo toos ugu socdey Masar, xilli shirkii Qaahirana ahaa mid weli sii qoyan.

Arrimiihii ka dhashay shirka Qaahira waxaa ugu saamayn waynaa yagleeliddii Maamul-goboleedka Puntland, waxaana loo ololeeyey sidii awood muuqata oo aan ahayn ”Somaliland”, Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid loo samayn lahaa, sababtoo ah kooxdii Soodare may ahayn mid saamayn la mida kooxaha kale lahayd, adduunku wuxuu yaqaanay Caydiid iyo Cali Mahadi oo dagaaladda Muqisho ku caan baxay, iyo ” Somaliland (SNM)” oo gooni isu taag ku dhawaaqday.

Shirkii Carta 2000, Jabuuti waxay ku bixisay dadaal dheeraad ah si ay dalalka Geeska iyo Carabtaba uga hesho garab, si shirkaa loo qabto oo aanu u fashilmin, kulan ay ka soo qayb galeen madaxda Suudaan, Yaman, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa magaaladda Sanca lagu qabtay in yar ka hor qaban qaabadii shirka Carta.

Haddana raggii ugu tunka weynaa siyaasadda Soomaaliya kama soo qayb gelin sida Cabdilaahi Yuusuf iyo Cigaal, Itoobiya iyo Masarna waxay ka fiirsanayeen kor.

Shirkii Imbegaati lagu qabtay waxaa isaga saamayn wayn ku lahayd kooxdii Itoobiya xidhiidhka dhaw la lahayd, wixii intaa ka danbeeyey maydaanka siyaasadda Soomaaliya waxaa ku soo biiray kooxihii islaamiyiinta oo iyagu markasta ahaa unugyada hurda ee saamaynta gudaha ugu ballaadhan.

Dalalka Masar iyo Itoobiya maaha kuwo ku tartami kara garoonka siyaasadda iyo saamaynta Soomaaliya, Masarna maaha dal arrimaha Soomaaliya daneeya xilli kasta, markasta waxaa Soomaaliya ku awood badan Itoobiya, waxaase iyana lagama maarmaan ah in mid walba la siiyo humaagiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed, in la tartantiiso suurta gal maaha, xaaladda Soomaaliya ku sugan tahayna maaha in Itoobiyana la fogeeyo Masarna la soo dhaweysto, isla markaana sax maaha in Masar la sharaysto, waxaase habboon in la adeegsado siyaasadda ”zero problem ama tafteey ka bannaanka” marka la fiirinayo dalalka Somaaliya indhaha ku haya, mid walbana waa danaheenna lagu jimeeyo.

Masar waxba ugama baahna Soomaaliya xilligan, suurtagalna maaha in ay Soomaalida u adeegsato Itoobiya, Itoobiyana way ogtahay in aanay Soomaaliya loollanka biyaha ee kala dhexeeya Masar waxba saamayn ah ku lahayn, waxaase jirta arrimo siyaasadeed oo Soomaaliya mowqif dhexdhexaad ah iska taagi karto.

2019-kii shir ka dhacay Qaahira oo Jaamacadda Carabtu isugu timi Soomaaliya iyo Jabuuti waxay ku tagaeereen Masar qodob ku saabsanaa arrinta Webiga Nile.

Isla maalmahaa Wargeyska ka soo baxa dalka Itoobiya ee lagu magacaabo “The Reporter” ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay badeleen aragtidii hore ee ay Masar ku tagaeereen, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya xilligaa Guido Andargachio waraysi uu siiyey wargeyskaas wuxuu ku sheegay in aanay Soomaaliya iyo Jabuuti taageersanayn mawqifka Jaamacadda Carabta ee Masar lagu taageerayey oo ay ka noqdeen. Siyaasadahaa isbeddelayey madaxda Soomaalidu ugama waramin bulshada Soomaaliyeed, laakiin xogta waxay ka soo baxaysay mar kasta dhinaca Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya wuxuu waraysigaas ku sheegay in ay la xidhiidheen Soomaaliya iyo Jabuuti una sheegeen in ay aaminsan yihiin in aanay arrinta Jaamacadda Carabta ka soo baxday xal u ahayn arrinta Webiga Nile, hadalkaas oo ahaa hadal loogu tilmaamaayo Soomaaliya iyo Jabuuti in ay taagan yihiin goob ceeryaamadu ku badan tahay marka lagu eego indhaha Itoobiya.

Wasiirkii Arrimaha Dibedda Itoobiya ee xilligaa Guido Andargachio wuxuu yidhi Soomaaliya iyo Jabuuti waxay ka qayb qaateen go’aanka lagu canbaaraynayo Itoobiya, wuxuu sheegay wasiirka Itoobiya inay Soomaaliya iyo Jabuutiba dhanbaallo u qoreen ay ugu tilmaamayaan in ay cadeeyaan mawqifkooda ku aadan go’aankii Jaamacadda Carabta ee ay qaybta ka ahaayeen.

Wuxuuna sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya in ay Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka noqdeen mawqifkii ay ku taageereen go’aankii Jaamacadda Carabta, sheegeena in aanu go’aankii Jaamacadda Carabtu wax isu soo dhaweynayn.

Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee xilligaa Axmed Ciise Cawad ayaa isugana sheegay in ay arrintan dhexdhexaad ka noqdeen, waxay Soomaaliya soo saartay qoraal ay arrintaa ku caddeynayso.

Waxaase muuqatay dhexdhexaadnimada xilligaasi ay ku timi cadaadiska Itoobiya saartay DF Somalia, balse markasta waxay Soomaaliya u baahan tahay in ay qaadato siyaasad taxaddar leh oo xilligan ay culays saarto arrimaha midnimada gudaha iyo ammaanka, siyaasadda dibaddana la soo xasiliyo oo la dejiyo.

Xukuumadda Soomaaliya waxay u baahan tahay markasta in ay kaashato khubaro arrimahan ka taliya oo layska ilaaliyo in go’aan aan caqli ku dhisnayn lagu maamulo siyaasadaha saamaynaya dalalka Soomaaliya indhaha ku haya, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

W; D: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media