Financial Times oo Somalia kusoo daray dalal ay ”dani” ugu jirto in la joojiyo Dagaalk Ukraine (Ma Ruushka & Somalia ayaa kulmaya?)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta la kulmay Madaxwaynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi arrin qayb ka ah socdaal uu ku marayo dalal badan oo Afrikaan ah kaasoo loogu talagalay in looga hortago eedeymaha reer Galbeedka ee ku aaddan in duullaanka Moscow ee Ukraine uu horseeday dhibaato cunto oo caalami ah.

Lavrov oo sidoo kale la kulmay dhiggiisa Masar ee Sameh Shoukry ayaa arrimo badan kala hadlaya Masar oo ah dalka dunida ugu ballaaran dhanka soo degsiga xabuubka. Lavrov ayaa sidoo kale booqanaya Ethiopia, Uganda iyo Republic of the Congo isla todobaadkan.

Yeelkeede, lama oga inay wefdiga Somalia ee uu hoggaaminayo MW Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ay Masar isku arkayaan Wasiir Dibadeedka Ruushka iyo in kale.

Ha yeeshee, Financial Times oo xoojinaya sheekada (narrative) ay dhiseen reer Galbeedku ee ah in Ukraine loo yeelo culays iyo mudnaan caalami ah si cadaadiska loogu sii badiyo Ruushka, ayaa dalal ay Somalia ka mid tahay ku xusay qoraal dheer oo uu ka sameeyey booqashada Lavrov.

Ukraine oo loo yaqaan dambiisha rootiga ee Yurub, ayaa sanadkii hore soo saartay 33mn oo tan oo badar ah. Waana dalka shanaad ee dunida ugu dhoofinta badan badarka, waxa uu 80% ka yahay badeecooyinka noocan ah ee ka soo dega Lubnaan, waana saad-siiyaha ugu badan ee dalalka ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya.

Ruushku waa dhoofiyaha ugu wayn adduunka ee dhanka sarreenta, ayuu qoraalkiisa ku leeyahay FT.

Halkan waxaa ku qoran laba xaqiiqo, midi waa in Ukraine kaalinta 5-aad uga jirto dhanka dhoofinta badarka, halka Ruushku uu 1-aad ku jiro, haddii ay sidaa tahay maxaa Ukraine loogu sawirayaa inay dunida quudiso amaba ay tahay ”dambiisha rootiga” cidna?

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media