Dal Muslim ah oo sheegay inuu xirxirey shabakad basaasiin ah oo Israeli ah (Halka ay dalkaa kasoo galeen & agabka ay siteen?)

0

(Tehraan) 24 Luulyo 2022 – Wasaaradda Sirdoonka ee Iran ayaa sheegtay inay xirtey “shabakad basaasiin ah” oo ka socda Israa’iil oo lagu eedeeyey inay diyaarinayeen “hawlgallo kharibaad iyo argagixisanimo ah.”

Xarigga ayaa lagu dhawaaqay saacado kaddib markii Israa’iil ay sheegtay in wakiilladeeda ay su’aalo maraanmar ah waydiiyeen sarkaal ka tirsan ciidamada Iran ee ku sugan dhulkiisa Iran.

Basaasiinta la sheegay ayaa “waxay xiriir la lahaayeen wakiillada Mossad” oo ay Iran u aqoonsan tahay hay’ad argagixiso ah, sida ay werisey Wakaaladda Wararka Iran ee Tasnim.

Basaasiintan ayaa la sheegay inay Iran kasoo galeen dhanka gobolka Kurdistan, waxaana laga helay qalab isgaarsiineed iyo walxaha qarxa oo ay siteen.

Israa’iiliyiintan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in ay gacan saar la lahaayeen Ururka Shacbiga ee Mujaahidiinta Iran, oo ah koox mintidiin ah oo ka soo horjeeda xukunka Ayatollah Ali Khamenei.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo dusha kala socda howlaha Mossad, ayaa diidey inuu arrintan ka hadlo mar ay la xiriirtay oo ay arrintan wax ka waydiisey jariidadda Jerusalem Post.

Hadalsame Media