Bangiyada Somalia oo lagu eedeeyey inay qaadaan RIBO qaali ah oo loo qarinayo si xeeladaysan

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2022 – Bangiyada ayaa caadiyan la ogyahay inay lacago badan oo ay dadku leeyihiin ku qaataan si xeeladaysan, taasoo aan ku tiri kuteen ahayne ay baareen dad dhaqaaleyahanno ah, waase marka laga hadlayo hannaanka ku dhisan dulsaarka iwm.

Ha yeeshee, marka ay timaado dhanka bangaariyada Islaamka lama ogola oo waa xaaraan qadcan ah khiyaanada iyo dulsaarka labaduba, balse bangiyo badan oo dunida Muslimka oo ay Somalia ku jirto ka furan baa waraaqaha ku sheega inaysan dulsaar isticmaalin misna dunidii dulsaarku caadiga ka ahaaba ka dulsaar badan.

”Soomaaliya waxay sheeganaysaa in 100% ay ku socoto hab-dhaqanka bangiyada Islaamiga ah waxayse leedahay heerka dulsaar ee ugu sarreeya adduunka oo dhan,” ayuu yiri Xoosh Docol.

Haddii aad isku daydo inaad samayso maalgelin hal sano ah waxaad u baahan tahay inaad soo celiso dulsaar dhan 12% halka wadamada kale ay ku dhacaan inta u dhaxaysa 2 – 4%. Intaa waxaa dheer, waxay Somalia leedahay ballanqaadyada ugu xun ee dhanka amaahda.” ayuu ku dooday.

”Muqdisho waxaa ku yaallo Bangi haddii aad dayn ka qaadato 50% dulsaar ah kaa raba, tusaale alaab $1000 joogta haddii uu kuu iibiyo waxaa lagaa rabaa $1500 inaad bixiso.

Bangiga derbigiisa waxaa ku qoran (وأحلّ الله البيع وحرّم الرّبا).” ayuu ku qayliyey Weliyow Cadde oo Muqdisho ku sugan.

Bangiyada haatan ka hanaqaaday Somalia ayaa ku gabbada kelmad la yiraahdo ”Muraabaxa”, taasoo sida uu qiray Cali Xaaji Warsame u dhaxaysa 12-15%, waana boqolleey aad u sarreeysa, isagoo ka gaabsaday inuu sharraxo waxa ay Muraabaxa uga duwan tahay Ribada maadaama ay dulsaar ahaan u shaqaynayso.

Hadalsame Media