“Waa guul!” – Hay’ad warbaahineed oo Yuhuud ah oo qiratay inay iyadu dirtay ninka aan Muslimka ahayn ee galay Maka (Xogo cusub)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022 – Booliiska Sucuudiga ee magaalada barakaysan ee Maka ayaa qabtay muwaadin dalkaa u dhashay oo magaaladaa soo geliyey nin gaal ah.

Ninkan ayaa sita Baasaboorka Maraykanka balse waxa uu kasoo jeedaa Israil wuxuuna maray waddo loo asteeyey “Muslimka oo keliya ah” oo soo gasha Maka, taasoo xadgudub ku ah xeerka Sucuudiga.

Ninka muwaadinka ah iyo weriyaha Yuhuudka ah ayaa mutaysan karo ciqaabo iskugu jira ganaax, xabsi iyo musaafurin u gaar ah ninka dambe.

Channel 13 later issued an apology “if anyone was offended” but stood by its report after it was criticised in Saudi Arabia and by some in Israel.

Channel 13 oo uu u shaqeeyo ninkan oo la yiraahdo Gil Tamari oo tifaftire ka ah qaybta Wararka Caalamka, ayaa markii dambe soo saaray raalligelin “haddii uu jiro qof wax loo dhimay” waloow ay “guul” ku tilmaameen waxa ay sameeyeen.

Hadalsame Media