Ururka Midowga Yurub oo ka meermeeraya inuu cunaqabateeyo macdan muhim ah oo uu Ruushku dhoofiyo + Sababta

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022 – Midowga Yurub ayaa hor istaagay soo jeedin ah in cunaqabatayn lagu soo rogo soo saaraha macdanta Titanium-ka Ruushka ee VSMPO-AVISMA, sida uu dhigayo wargayska Wall Street Journal (WSJ).

Sida lagu sheegay warbixinta, go’aankan ayaa la qaatay kaddib markii Faransiiska iyo xubnaha kale ee Midowga Yurub ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada aargoosi ka yimaada dhanka Ruushka oo hakin karta dhoofinta Titanium.

VSMPO-AVISMA waa soo-saaraha ugu wayn adduunka ee Titanium iyo Biraha shuban ee aastada ah, kuwaas oo si wayn loogu isticmaalo soo saaritaanka diyaaradaha, laga bilaabo qalabka saqafka iyo qaybo ka mod ah matoorka ilaa qalabka dejinta diyaaradda.

Shirkaddan Birta Shubta ee Ruushanka ihi waa shirkad muhim ah oo Titanium-ka siisa shirkadda Airbus ee dayuuradaha sancaysa ee fadhigeedu yahay Midowga Yurub, taasoo ah shirkadda ugu wayn ee samaysa diyaaradaha ganacsi ee adduunka ah, iyadoo khasaaraha ka soo gaaraya haddii Ruushku uu macdantaa ka goosto ay noqonayso dhirbaaxo wayn oo aysan ka cayman karin.

Bishii la soo dhaafay, shirkadda diyaaradaha samaysa ee Airbus ayaa si cad ugu baaqday Midowga Yurub inay ka fogaadaan inay cunaqabatayn ku soo rogaan biraha uu Ruushka soo dhoofiyo.

Sida laga soo xigtey shirkadda la-talinta ee AlixPartners, qiyaastii 65% macaadinta Titanium ee ay adeegsato Airbus ayaa waxay ka yimaadaan Ruushka.

VSMPO-AVISMA waxaa qayb ahaan iska leh Wakaaladda Hawada Sare ee Ruushka iyo Duulista ee Rostec (iyadoo leh 25% lagu daray 1 saami), waxayna siisaa macdantan in ka badan 450 shirkadood oo ku kala sugan 50 waddan, oo ay ku jiraan Boeing, Airbus, Embraer, iyo tan samaysa matoorrada dayuuradaha ee Rolls-Royce.

Hadalsame Media