Siyaasiyiin & Ganacsato lagu eedeeyey inay Somalia ka “hortaagan yihiin” in dib loo furo Jaadka & Shuruudaha ay wataan (Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022 – Jimcihii hore ayaa la dhameeyey in dib loo furo Jaadka Kenya ee la gayn jirey Somalia, balse weli waxba lama furin.

Kenya ayaa sheegtay inay maanta oo Jimce ah bilaabayso bixinta shatiyada dhoofinta Miiroowga sida uu dhigayo xeerka cusub iyadoo Kenya ay ku sii dhowaanayso in ay dib u soo gasho suuqa Soomaaliya muddo saddex sano ah kaddib.

Yeelkeede, dhawaq cusub ayaa ka imanaya dhanka Somalia kaasoo sheegaya inay jirto caqabad iyana ka jirta dhanka Somalia.

Waxaa farta lagu godey siyaasiyiin iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Wasiirka Ammaanka Xil-gaarsiinta ee C/laahi Max’ed Nuur, nin lagu sheegay Cadnaan iyo Xildhibaan Max’ed Cajiib, kuwaasoo la sheegay inay lacag dheeri ah saartaan Jaadka.

Waxay sheegeen inay meesha ku jiraan ganacsato Jabuutiyaan ah, balse ma sheegin waxa iyo sida ay usoo geli karaan.

Ganacsade C/nuur Maxamed Kadiye ayaa yiri: “Annagu waxaan rabnaa in cabashadeenna laga jawaabo si deg deg ah haddaan arrintaas  looga jawaabin mudaaharaad oo magaalada Gilgila ayaana qabaneynaa.”

Wax war ihi weli kama soo bixin ragga la eedeeyey.

Halkan ka DAAWO….

Halkanna ka DAAWO…

Halkanna ka DAAWO…

Hadalsame Media