Ruushka oo kashifay iin uu leeyahay daroonka Turkiga ee Bayraktar & hubka ay kusoo ridaan + Sawirro

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022Isagoo soo xiganaya xogta weriyaha Ruushka ah ee Alexander Stepanov, milletariga Ruushku wuxuu aad u qiimeeyaa ulana dhacsan yahay bandhigga habka gantaalaha difaaca cirka ee Tor-M2.

Taliyaha batteriga ee LPR Vladislav ayaa wuxuu xitaa ugu yeeray “nidaamka riddada-gaaban ee ugu fiican adduunka”, isagoo aad u qadarinaya isku hallayntiisa, sida ay u fududahay in la adeegsado, iyo waxtarkiisa dagaal.

Nidaamkani waxa uu soo riday in ka badan 100 bartilmaameed-cireed, kuwaasoo u badan dayuuradaha daroonka (UAVs), oo ay ku jiraan kuwa Bayraktar ee Turkigu sameeyey, iyadoo Vladislav sheegay inaysan Ruushka ku adkayn inay arkaan daroonka Turkiga ee Bayraktar ah cabbirkeeda oo aad u wayn dartii, taasoo u sahasha inay soo ridaan kahor intaysan helin fursad ay gantaal ku riddo.

Sida Vladislav u sheegay weriyaha, bartilmaameedyada cireed waxay sidoo kale u adeegsadaan nidaamyada kale ee Ruush sameega ah sida Buk-M2 (NATO waxay u taqaan SA-17 Grizzly) iyo S-300 (NATO waxay ku sheegtaa SA-10 Grumble).

BUK-M2

Hadalsame Media