Duullimaad 26 saacadood qaatay ayaa Maraykanka looga qaaday si dalkeeda loogu qalo (Waa dalkee?)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022 – Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo u baahnayd qalliin degdeg ah ayaa laga soo duuliyey dalka Maraykanka, si loo geeyo dalkeeda toddobaadkan, mid ka mid ah duullimaadyadii ugu dheeraa ee xagga hawada ee sannadihii u dambeeyey.

Duullimaadku waxa uu  qaatay 26 saacadood isagoo hakaday ama cabbaar-furay saddex jeer intii uu jidka kusii jirey – hal mar oo Iceland ah iyo laba jeer oo Turkiga ah – kahor inta aanu gaarin magaalada koonfurta Hindiya ku taalla ee Chennai (Madras) subaxnimadii Talaadadii.

Haweeneyda ayaa hadda qalliin ku sugeysa Isbitaalka Apollo ee Chennai. Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa BBC Hindi u sheegay in xaaladeeda ay degan tahay.

“Waxay ku jirtaa qaybta daryeelka deg degga ah (ICU) ee Maraykanka iyadoo ay haysato dhibaato kaga dhacday waalwalayaasha wadnaha Haweeneydan 67-jirka ah – oo aan la shaacin haybteeda qofeed – waxay la joogtey carruurteeda magaalada Portland, Oregon, markii ay soo baxday dhibaatadu.

“Qoyskeeda ayaa wuxuu deeto la xiriirey Dr Sai Satish Luulyo 5. Waxayna isla garteen in haweenaydan loo duuliyo Hindiya si waalwalayaasha wadnaha halkaa loogu hagaajiyo,” sida uu isbitaalku sheegay.

Qoyskeedu waxay dareemeen inay u roonaan lahayd in guriga lagu daweeyo waxayna la xiriireen Shirkadda Duullimaadyada Caalamiga ah ee Xasaasiga ah (ICATT), oo ah adeeg ambalaas hawada ah oo uu fadhigeedu yahay magaalada koonfurta Hindiya ee Bangalore (Bengaluru), oo ay haweeneydu kasoo jeeddo.

“Waxaan isticmaalnay laba diyaaradood si aan u dhinno waqtiga ay khasabka tahay in shidaal la qaato ama dayactir lagu sameeyo garoomada diyaaradaha si aan ugu duulinno Chennai, halkaasoo loogu sameeynayo qalliinka.” ayuu yiri Dr Shalini Nalwad, Aasaasaha iyo Agaasimaha ICATT.

Qoyska ayaa aaminsan in adeegga iyo kaabayaasha caafimaad ee ay haweenaydani ka helayso Hindiya ay ka wanaagsan tahay kuwa Maraykanka, taasoo keentay inay ijaartaan dayuuradahan oo aad qaali u ah, si dalkeeda loogu qalo.

Hadalsame Media