”Tillaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa” – Booliiska oo xabsiga dhigay nin gaal ah oo galay jid loogu tala galay Muslimiinta xajinaysa & ninkii wadey + Sawirro

0

(Makah) 22 Luulyo 2022 – Booliska magaalada Makah ayaa dacwad oogayaasha u gudbiyey muwaadin u dhashay dalka Sacuudiga, kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay fududeynta soo galinta magaalada barakaysan Saxafi u dhashay Maraykanka oo aan Muslim ahayn, sida uu sheegay Afhayeenka rasmiga ah ee Booliska Gobolka Maka.

War qoraal ah oo ay faafisay wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA maanta oo jimce ah ayuu afhayeenku ku faahfaahiyey dhacdada uu muwaadinkaasi saxafiga Ameerikaanka ah ugu soo qaaday magaalada Makah isagoo marayey waddo u go’an muslimiinta oo qura.

Waxa uu sheegay in tani ay tahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka ka mamnuucaya dadka aan Muslimka ahayn in ay soo galaan goobaha barakaysan. Muwaadinkaas ayaa hadda la xiray, waxaana laga qaadayaa tillaabo sharci ah.

Afhayeenku waxa uu xusay in dhammaan dadka booqanaya Boqortooyada looga baahan yahay inay ixtiraamaan oo ay dhowraan awaamiirta gaar ahaan kuwa khuseeya Masaajidda Barakaysan iyo goobaha milgada Rabbaaniga ah leh.

“Xad-gudub kasta oo noocan ah waxaa loo arkayaa dembi aan loo dulqaadan doonin, waxaana ciqaabta ku habboon la marsiin doonaa dembiilayaasha iyadoo loo eegayo xeerarka khuseeya,” ayuu raaciyey waloow uusan afka ku dhufan ciqaabta u degsan.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale dacwad ka dhan ah weriyaha Maraykanka ah ee ku lugta leh fal-dambiyeedka iyana loo gudbiyey xeer ilaalinta si ay tillaabo ku habboon uga qaadaan.

Hadalsame Media