Dal Muslim ah oo si rasmi ah u bilaabay inuu dhisto wershad nukliyeer ah & dalka ka caawinaya

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2022 – Shirkadda Tamarta Nukliyeerka ee Dowladda Ruushka ee Rosatom ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha wershaddii ugu horreeysey ee tamarta Nukliyeerka ah ee Masar, mashruuc ay ku kacayso $25 bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, kaas oo ah mashruucii ugu ballaarnaa ee labada dal dhex mara muddo tobannaan sano ah.

Wasiirka Korontada Masar, Mohamed Shaker iyo madaxa Rosatom Alexey Likhachev ayaa Arbacadii shamiitada ku shubay wax noqon doona saldhigaga Korontada ee El-Dabaa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Rosatom.

Wershada El-Dabaa, oo qiyaastii 300 kiiloomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Qaahira dhanka xeebta Badda Dhexe ee Mediterranean-ka, ayaa la qorsheeyey inay ka koobnaato afar curiye oo koronto-dhalin ah oo midkiiba leeyahay xajmi soo saaraya 1,200 Megawatt.

Daah-furka dhismahani “waxa uu ka dhigan yahay in Masar ay ku biirtay naadiga Nukliyeerka adduunka,” ayuu yiri Likhachev, sida ay sheegtay Rosatom.

“Wershaddu waxay noqon doontaa mashruucii ugu waynaa ee iskaashiga Ruushka iyo Masar tan iyo dhismihii Biyo-xireenka Aswaan”, ayuu yiri Likhachev, halka Shaker uu ugu yeeray “dhacdo taariikhi u ah” dalkiisa, sida lagu xusay bayaanka.

Biyo-xireenka wayn ee Aswan oo dhererkiisu dhan yahay 111 mitir iyo 3.6km oo balac ah, ayaa ka faa’iideeya biyaha wabiga Niil tamar iyo waraab ahaanba, waxa uuna ahaa mashruuc muhiim ah horraantii 1950-aadkii xilligii Madaxwaynihii Pan-Carabiga ahaa ee Gamal Abdel Nasser – waxaana lagu dhisay taageerada Soofiyeedka.

Masar ayaa waxa ay hore uga fikirtey in El-Dabaa ay ka dhisato warshad tamarta Nukliyeerka ah sannadihii 1980-meeyadii, laakiin mashruucan ayaa la hakiyey kaddib musiibadii nukliyeerka ee Chornobyl, Ukraine, 1986-kii.

Hadalsame Media