Kenya oo maanta bilowday inay shatiyo u samayso Jaad dhoofiyeyaasha (Somalia wax shuruudo ah ma wadataa?)

0

(Nairobi) 22 Luulyo 2022 – Kenya ayaa sheegtay inay maanta oo Jimce ah bilaabayso bixinta shatiyada dhoofinta Miiroowga sida uu dhigayo xeerka cusub iyadoo Kenya ay ku sii dhowaanayso in ay dib u soo gasho suuqa Soomaaliya muddo saddex sano ah kaddib.

Sarkaal ka tirsan Miraa Pyrethrum iyo dalagyada kale ee lasoo saaro ayaa sheegay in ay heleen ugu yaraan 20 codsi oo ka yimid dadka xiisaynaya dhoofinta Jaadka ayna bilaabeen diyaarintooda.

Iibka Miiroowga ee Suuqyada Soomaaliya ayaa lagu wadey in uu dib u bilowdo 5-tii bishan Luulyp, hase ahaatee, waxaa dib u dhac ku yimid shati la’aanta darteed, kaddib markii ganacsatadu ay ku khasbanaadeen in ay u hoggaansamaan sharciyada cusub ee dhigaya in ay haystaan ruqsado cusub kahor inta aysan dhoofin Jaadka oo ka mid ah walxaha wax kiciya. 

“Waxaan diiwaangelinney dhoofiyeyaasha soo codsaday shatiyada, waxaana ku wargelinney inay la socdaan samaynta shatiyadooda.” ayuu yiri sarkaalku.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga ee Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa sheegay in waloow ay wax kasta iyaga diyaar u yihiin, ay misna Wakaaladda Beeraha iyo Cunnada Kenya (AFA) aysan weli u fasixin dhoofinta Jaadka.

Lama oga inay Somalia leedahay nidaamin noocan oo kale ah iyo in xitaa laba eego tayada Jaadka la keenayo Somalia amaba ay xitaa jiraan wax shuruudo qodobaysan ah oo ka yaalla nooca lasoo gelin karo iyo kuwa mamnuuca ah.

Hadalsame Media