”Ruushku wuxuu dhisayaa isbahaysi reer Galbeedka uga daran midkii Soofiyeedka oo taxan Bariga Yurub ilaa Koonfurta Badda Shiinaha”

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Maalmo uun kaddib markii uu Madaxwayne Joe Biden uu booqday Israa’iil iyo Sucuudiga oo uusan jileec badan kala kulmin, waloow uu wacad ku maray in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu isticmaalo ‘dhammaan awooddiisa qaran’ si uu u joojiyo wax uu ku sheegay ”cadowga guud” ee Iran inay hesho hubka nukliyeerka, ayaa waxaa caasimadda Iran soo caga dhigtay Vladimir Putin.

”Marka uu ”Jaallaha Mugdiga ee Kremlin-ku uu booqasho naadir ah ku tago meel ka baxsan Ruushka, waxaa naxdin la qarqara laf-dhabarta ama xangullaha reer Galbeedka, waxana jirta sabab.” ayaa lagu qoray qayb ka mid ah sheeko dheer oo arrinkan laga sameeyey oo lagu daabacay Daily Mail.

Iran waa Dowlad ay go’doomiyeen Maraykanka, Ingiriiska iyo xulafadoodu. Damaceeda Nukliyeerka ah iyo taageerada uu Aayatullaahu siiyo argagixisada ayaa se ka dhigtay Jamhuuriyadda Islaamiga ah mid been la isku cabsiiyo, ayuu sii daba dhigay maqaalka oo uu qoray Mark Almond.

Kulanka uu Tehran kula yeeshay hoggaamiyeyaasha mayalka adag ee Iran, oo uu weheliyo marti kale, oo ah Madaxwaynaha Turkiga, Erdogan, ayaa u muuqdey in looga wada hadlay Suuriya.

Laakiin shirku waxa uu bandhig u yahay isbahaysi kasoo horjeeda reer Galbeedka oo dhowaan soo shaac baxay, waana isbahaysi dimoqraadi diid ah oo ka soo bilaabmay cirifyada Bariga Yurub ilaa badda Koonfurta Shiinaha – iyada oo hooyada Ruushku ay xuddun u tahay, ayuu sii qoray DM.

Dagaalkan soo ifbaxaya waxaan ugu yeerayaa ‘Dagaalkii Adduunka Z’, iyadoo xarafkan lagu soo bandhigay taangiyada Ruushka ee Ukraine ka dagaallamaya, waana calaamad muujinaysa diidmada jumlada ah ee Putin kala hortegayo reer Galbeedka.

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media