GEEL GARAADDO LEH: Kenya oo xadka Somalia gaynaysa geel si gaar ah loo tababaray oo qabanaya howl yaab leh

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacayey ama ka jirey khatarta weerarro loo adeegsaday walxaha qarxa ee rasmiga ah ama macmalka ah, iyadoo ay Kenya uga dhinteen booliis dhan ilaa 100 askari, sida tirakoobka ku jirta.

Kenya oo ka walaacsan ”xadka” daloola ee ay Somalia la leedahay ayaa ilaa 200 oo neef oo geel ah oo la diyaariyey lana tababaray kuwaasoo haatan loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin howlgal rasmi ah, sida inay sheegaan miinooyinka iyo walxaha qarxa kaddibna ogaysiiyaan askariga fuushan ama la socda.

Geelan ayaa dhoollatus ay awoodooda kusoo bandhigayaan waxaa lagu qabtay degmada Isiolo 14-kii bishan Luulyo, markii Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay jirto kooxda Camel Calvary Team, oo ah nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka booliiska oo awal ahaa eeyo iyo fardo uun.

Rukuublaydan ayaa lagu tababaray meelo kala duwan kalana joog sarreeya oo ay ku jiraan joog hoose iyo joog sare, sidoo kale dhulka omoska ah ama qallalan, si ay ula qabsadaan xaalad kasta.

Goobaha lagu diyaariyey waxaa ka mid ah Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha, sida ay saraakiishu sheegeen.

Sida eeyaha iyo fardaha boliiska, geela hadda kaddib waxaa loo tixgelin doonaa in ay yihiin farac gaar ah waxaana loo bixin doonaa magacyo, iyadoo la siinayo darajooyin iyo daryeel.

Hadalsame Media