Su’aal kasoo baxaysa muuqaalka shilkii dayuuradeed ee maanta ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

0

(Muqdisho) 18 Luulyo 2022 – Dayuurad ay leedahay shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa goor dhaw ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo nooceeduna yahay Fokker 50, ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 36 qof oo dhammaantood ka badbaadey shilkaas diyaaradeed.

Dayuuradda ayaa burburtay xilli ay soo caga dhiganeysey dhabbaha Garoonka Diyaaradaha iyadoo rakaab sidda.

Yeelkeede, marka muuqaallada soo baxaya la daawado waxaa muuqanaysa in dab-damiska soo gurmadey uu yahay midka QM.

Waxaa markaa la is waydiinayaa waxa ku dhacay dab-damiskii garoonka oo ay bil kasta kasoo xarooto malaayiin Doollar, islamarkaana ay shirkad boqolleey badan qaadataa ay maamusho, heshiis aan daah-furnayn.

Dowladnimada Somalia ayaa sii noqonaysa mid la qabsanaysa in aan la isku tashane wax kasta inta la cuno misna lagu tashto gacmo shisheeye.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media