WHO oo farriin qayladhaan ah kasoo saartay cudur halis ah oo Afrika laga helay & dad dhintay

0

(Ashanti) 18 Luulyo 2022 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa qaylodhaan ka soo yeereysa kaga digtey cudur cusub oo ka dillaacay dalka Ghana, kaddib markii laba xaaladood oo cudurka Marburg ah laga soo sheegay dalka Ghana.

Waxay taasi noqonaysaa markii ugu horreeysey oo cudurkan dilaaga ah ee Ebola-la mid ah laga helay waddankan ku yaalla galbeedka Afrika iyo kiiskii labaad ee lagu arko gobolkaasi.

Maqaal la daabacay, ayaa WHO waxay ku sheegtay in shaybaar dhiig oo laga qaaday laba qof bishii hore koonfurta gobolka Ashanti ee Ghana ay soo jeedinayaan in labadooduba ay qabaan fayraska Marburg.

Labada bukaanba waxay lahaayeen astaamo ay ka mid yihiin shuban, qandho, lallabbo iyo matag, waxayna dhinteen maalin gudaheed markii isbitaalka la dhigay dabayaaqadii bishii Juun. Mid ka mid ah bukaannada ayaa ahaa 26 jir, kan kalena 51.

Hadda, in ka badan 90 qof oo ay labada bukaan xiriir taabasho la sameeyeen ayaa la aqoonsaday waxaana isha ku haya WHO iyo maamulka caafimaadka ee gobolka labadaba.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in ay sidoo kale ka caawinayso Ghana bixinta qalab dhowraarineed, xoojinta xogaha cudurrada, baarista, raadinta dadka buka iyo kordhinta wacyiga bulshada ee khatarta iyo halista cudurka. Dadka ayaa lagu boorriyey inay hilbaha aad iskaga bisleeyaan.

Cudurkan ayaa la sheegay inuu si kedis ah ku bilowdo, iyadoo la dareemayo qandho badan, madax-xanuun aad u daran iyo xaaladda guud oo xumaata.

Waxa kale oo la xusay in bukaanno badani ay la kulmaan dhiigbax gudaha ah ama dibedda ah toddoba maalmood gudahood kaddib cudurka marka la qaadsiiyo.

Cudurka Marburg Virus oo 1967-kii markii ugu horreeysey Jarmanka lagu arkay, ayaa waxaa ugu darnaa kiisaskii 2005 lagu arkay Angola oo ay 200 oo qofi ku dhinteen.

Hadalsame Media