XOG: LABA arrimood oo sabab u ah inay RW Xamse la daahdo magacaabista Golaha Wasiirrada

0

(Muqdisho) 18 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay 15-kii bishii tagtay ee Juun wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamze Cabdi Barre oo degaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland.

Yeelkeede, haatan oo bil la dhaafay weli Barre sooma dhisin xukuumaddii laga dhowrayey, waxaana soo baxaya warar badan oo ku saabsan waxa ku dheggan magacaabista, waloow la sheegay in haatan ay dhamaystiran yihiin 95%.

1 – Wararka qaar ayaa sheegaya in xaaladda ay cakirayso ballamo fara badan oo uu qaybo kala duwan la galay MW Xasan Sheekh oo doorashadan kusoo baxay tiiyoo ay jirto inuu ahaa faras madoobe aan lasii saadaalinaynin inuu guulaysanayo.

2 – Xog kale oo iyaduna xoog badan oo ku saabsan waxa ragaadinaya magacaabista Golaha Wasiirrada ayaa iyana lagu sheegay dood ka taagan in wasiirrada laga keeno isla kooxda guulaysatey iyo in xayndaabka la ballaariyo oo la midabeeyo si loo dhiso xukuumad la iska wada dhex arki karo (inclusive).

Wararka hoose qaarkood ayaa xitaa safarrada badan ee MW DF Somalia ku micneeyey xeelad uu kaga dhuumanayo rag badan oo ka mid ah xulufooyinkii siyaasadeed ee hore oo iminka irdaha ku sugaya, balse aanu jawaabo waafi ah u heli karin haatan.

Si kastaba, waxaa maalmaha yar ee soo aaddan la sugayaa dhismaha xukuumadda cusub, markaasoo ay wejiyo cusub qaadanayso mucaaradadda iyo muxaafidnimada siyaasiyiinta iyo shacabka iyaga iska daba gala ee dhinicii ay aadaan ula orda.

Tifaftirka

Hadalsame Media