Shiinaha oo Somalia ka doonaya arrin ay tahay inay si aad ah uga fikirto DF Somalia

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2022 – Mas’uuliyiinta Shiinaha iyo madaxda sare ee Kalluumeysiga DF ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira biyaha Soomaaliya ee loogu talagalay maraakiibta waawayn ee ka jillaabta biyaha fog ee dalka.

Dhowr shirkadood oo kalluumaysi ah oo Shiinees ah ayaa durbaba ka howlgala gobolka, iyaga oo bartilmaameedsanayaan kalluunka Tuuna iyo noocyo kale.

Fei Sheng Chao, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeediyey kulan khadka tooska ah, oo sidoo kale uu ka hadlay Li Le Fu, Madaxa Siyaasadda ee Xafiiska Kalluumaysiga ee Wasaaradda Beeraha Shiinaha; iyo sidoo kale Chen Xue Jian, oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Kalluumaysiga Biyaha fog ee Shiinaha, oo ah koox ganacsi oo warshadeed oo isku xira warbixinta shirkadaha kalluumaysiga iyo wasaaradda.

Safiirku “wuxuu carrabka ku adkeeyey in shirkadaha kalluumaysiga ee Shiinuhu ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka, oggolaanshooyinka wax ku oolka ah, qaab-dhismeedka iskaashiga laba geesoodka ah, iyo sharciga caalamiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya ee hawlgallada maalinlaha ah,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Yeelkeede, maraakiibta Shiinaha iyo sidoo kale kalluumaysato kale oo u dhashay dalka Iran, ayaa la kulmayey eedeymo la xiriira kalluumaysiga sharci darrada ah ee ay ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa lagu sheegaa dal aan wax nidaam ah raacin oo si aan waxba loo turaynin u kalluumaysta, iyadoo ay horay uga qayliyeen dalal leh ciidamo badeed oo xooggan sida Argentina oo ka shallaayey ruqsado ay siiyeen, halka Somalia aysanba lahayn cid xitaa la socoto waxa ay samaynayaan.

Shiinaha ayaa waxaa markii ugu horreeysey ruqsad siiyey nidaamkii Farmaajo iyadoo laga qaatay lacag dhan 200m oo Doollar oo la sheegay in lagu ”dayactirayo Dekedda Muqdisho”, balse aan waxba lagu qaban.

Halkan ka akhri warbixin aan ka diyaarinnay 2019-kii..

Hadalsame Media