Gaalkacyo, rag Al Shabaab ah oo ka baxsaday xabsi halkaa ku yaalla (Sawirrada & Magacyadooda?)

0

(Gaalkacyo) 14 Luulyo 2022 – Warka haatan naga soo gaaraya woqooyiga magaala Gaalkacyo ayaa sheegaya inay halkaa ka baxsadeen rag ku xirnaa.

Saldhig gaar ah oo ku yaalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu warramayaa inay ka baxsadeen rag ku eedeysnaa inay ka mid ahaayeen Al-Shabaab iyo inay dilal ka geysteen Gaalkacyo.

Raggan ayaa qeyb ka mid ah la qabtay, balse bog ka hadla wararka la xiriirra howlgallada lagula dagaallamayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan Puntland ayaa baahiyay abaal-marin labo kun oo Doollar ah ($2000) , oo la siin doono cidda soo sheegtay saddex ka mid ah eedeysanayaasha oo baxsad ku maqan magacyada la soo bandhigay ayaa kala ah ;

Xasan Isaaq Maxamed,Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liban Ciise Cali (Madaxkariye).

W; D: Siciid Nadaara

Hadalsame Media