Magacee ayuu kusii howlgeli doonaa Mo Faarax? (Haweenaydii UK keentay oo lala xiriirey)

0

(London) 13 Luulyo 2022 – Orodyahanka caanka ah ee Sir Mo Farah ayaa barnaamij caawa ka baxay BBC TV waxaa uu si faahfaahsan uga waramay noloshiisa dhabta ah taas oo uu ku kashifayo wax badan oo aanad horay u ogayn.

Waxaa uu barnaamijka u sheegay inaanu magaciisa dhabta ahi ahayn Mo Farah ee uu magacaasi yahay mid been abuur ah Oo UK lagu keenay.

Waxaa uu barnaamijkaasi kaga waramayaa magaciisa Runta ahi uu yahay Hussein Abdi Kahin. Waxaa kale oo uu sheegayaa in qoyskii UK keenay ay yaraantiisii nolosha ku ciqaabeen.

Yeelkeede, dhammaadka dokumenterigan ay BBC-du baahisey oo uu xitaa si gaar ah ula xiriirayo wiilka magacan iska leh, ayaa lagu sheegay in uu rasmiyan sii wadan doono magaca uu UK kusoo galay kuna caan baxay ee Mo Faarax oo weli lagala xiriiri karo.

BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in haweebayda UK tahriibiska ku keentay ay la xiriireen, balse ay ka gaabsatay inay la hadasho kashifaaddan cusub.

Hadalsame Media