XOG: MW Deni oo RW Abiy Ahmed ka helay arrin uu u diidanaa tan iyo 2018-kii + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2022 – Siciid Deni & Abiy Axmed oo kulmay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo 2dii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay madaxda dawladda Itoobiya.

Sida ay ii xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah Madaxweyne Deni ayaa xalay saqdii dhexe la kulmay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dhinac, Ammaanka iyo dhaqaalaha, waana markii koowaad ee ay is arkaan tan iyo imaanshihii Abiy ee xukunka 2018-kii, inkasta oo Deni marar badan isku dayay in ay is arkaan haddana masuuragalin hadda ka hor.

Madaxweyne Deni ayaa maanta la kulmay wasiiradda wasaaraddaha Ganacsiga, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliyayaasha ciidamada Itoobiya, gaar ahaana Nabadsugida & Difaaca Itoobiya, oo ay ka wada hadleen xaaladdaha udhaxeeya labada dhinac.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in uu Madaxweyne Deni dalbaday in loo tababaro ciidamo, la dadajiyo furitaanka Kastamka Tuurdibi ee isku xiraya Itoobiya-Puntland, sidaas oo kalena loo ogolaado in hub ay horey Itoobiya uga iibin jirtay Maamul-gobaleedyada Soomaalida lasoo celiyo.

Dhanka Puntland dhammaan kama hadlin faahfaahinta kulamadan la xariira, iyadoo la qariyey.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media