Reer Galbeedka oo ogaadey in hubka ay siiyaan Ukraine qaarkii ay soo gataan Gaangiska Yurub (Qorshe cusub)

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2022 – Walaaca xubnaha NATO iyo EU-da ayaa sii kordhaya kaasoo ku saabsan habka ay Ukraine u maamusho hubka ay bixiyaan reer Galbeedku, sida uu qorayo Financial Times.

Wadamada reer Galbeedka ayaa hadda raadinaya inay abuuraan hannaan dabagal gaar ah si ay isugu dayaan ugana hortagaan in hubkani uu ku dambeeyo suuqyada madow ee Yurub, sida uu wargeysku raaciyey.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee Ukraine, Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub iyo qaar kale ayaa ku yaboohay in ka badan 10 bilyan oo Doollar oo gargaar millateri ah oo ay siiyeen Kiev.

Shixnadaha ayaa waxaa ka mid ahaa tiro badan oo hub fudud ah, iyo sidoo kale gantaalaha la qaadi karo ee lidka taangiyada iyo gantaalaha lidka dayuuradaha.

“Hubkan ayaa kusoo dega koonfurta Poland, waxaana deeto loo raraa xudduudaha kaddibna waxaa loo qaybiyaa baabuur ay ka mid yihiin taraagyo iyo qaar kale,” ayuu yiru sarkaal reer Galbeed ah oo aan magaciisa sheegin oo la hadlay Financial Times.

“Waqtigaas laga bilaabo wax wacaal ah nalama siiyo, mana garanayno meesha uu hubkaasi aado, halka loo isticmaalo ama xitaa haddii uu dalka Ukraine sii yaallo.” ayuu sarkaalku ku daray.

Sida laga soo xigtey Europol, hay’adda fulinta sharciga ee Midowga Yurub, qaar ka mid ah hubka ayaa laga yaabaa inay durba ka tageen Ukraine oo ay dib ugu noqdaan Yurub ama aadaan meelo kale.

Bishii Abriil, Europol waxay ka digtey in baaritaannadeedu ay muujinayaan in hub laga soo dhoofiyo Ukraine la geliyo Midowga Yurub si loo siiyo kooxaha fuliya dembiyada abaabulan.

Dagaalka Ukraine “ayaa sababay in tiro badan oo hub ah iyo walxaha qarxa ay ceegaagaan dalkaasi,” ayay hay’addu sheegtay.

Hadalsame Media