Dal Yurub ah oo ay qaxootigu beryahan ku jabeen & 2 sababood oo loo aaneeyey

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2022 – Tirada qaxootiga imaanaya waddanka Switzerland ayaa aad sare ugu kacday.

Laanta socdaalka ee Switzerland waxa ay sheegtay in bishii la soo dhaafay oo kaliya ay xarumaha la iska dhiibo iska soo diiwan galiyeen 1800 qof oo maganyalyo doon ah.

Dadka isasa soo dhiibay walow ay Soomaali ku jiraan hadane waxaa ugu badnaa qaxooti ka yimid wadamada Eretria, Turkiga iyo Afghanistan.

Kororka qaxootiga ee imaanayo Switzerland ayaa waxaa la sheegay in ay sabab ah u tahay 2 arrimood middood.

1. Waxaa lagu jiraa xiligii bad furanka waxaana inta badan xiliyadaan caadi ah in doomo badan ay u soo talaaban dhanka xuduudaha Yurub.

2. Holland iyo France oo ahaa labada waddan ee mudooyinkii danbe ku wanaagsan bixinta sharciyada iyo soo dhoweynta dadka ayaa la soo wariyay in maalmahan ay bilaabeen in ay diidmo dhiibaan taasi oo sabab u ah in labadaasi wadan aan markan lagu deg degin in la iska dhiibo.

W; D: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media