Wuxuu jacayl ba’an u qaaday gabar qurux badan oo uu dhalay wadaad ay isla xirnaayeen (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2022 – Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Dalka Masar Hogaamiyahooda Maxamed Badiic Iyo Jaceylkiisii Jeelka Ama Xabsiga ku Galey Qiso Dhab ah oo ka Dhacdey Dalkaas. Waa qaybtii sedexaad uguna dambaysey qisadaasi. Aqri qaybtii 2-aad…

Qisadan qaybteedii labaad waxaan ku hakiyey iyadoo Maxamed Badiic isagoo xabsiga ku jira gabadhii uu jeclaadey fariin ugu dhiibey aabaheed iyo iyadoo u soo jawaabtey oggolaatayna Maxamed, waxayna ku ballan-qaadday in ay sugi doonto inta uu jeelka ka soo baxayo halkii ayaan ka sii amba qaadayaa ee la socod wanaagsan qeybta sedexaad. Halkan ka aqri qaybtii 1-aad…

Markii xaalku halkaas uu marayey ayaa waxaa dhacdey in Maxamed Badiic ay maalin xabsiga ama jeelka kusoo booqdeen aabbihii iyo hooyadii dabeedna Arrintii buu u sheegay. Hooyadii way u beer-jileecday, aabbihii se wuu u qaadan waayay “waar Aabbe, xaaladda aad ku sugan tahay waad og tahay, xoolo meel innooguma xeraysna, xataa marka aad soo baxdo shaqo kuu sii diyaar ahi ma jirto.

Midda kale, waa gef in gabar yar oo calaf-doon ah waqtiga laga halleeyo oo ay lix sanno ku sugto, hadhowna sida ay wax ku dhammaan Alle og yahay” calaacalkaas buu odaygi oodda ka soo qaaday oo wiilkiisii ku hafiyay.

Miyuu warkaas iyo walaacaasiba ku socdaa, waa nin daaqad jaceyl ku furan tahay oo duniduba u qoslaysee. Dood iyo lafa-gur dheer kadib, hooyadii ayaa odaygii ku qancisay in talada wiilka la qaato, waxaana la isla afgartay in qoyskii Shanaawi la soo booqdo. Isla habeenkiiba, hooyadii iyo aabbihii baa booqasho ugu tegay qoyskii inanta ama gabadha. Waa la soo dhaweeyay, si fiicanna waa la isu soo dhaweeyay. Habeenkaas labadii waalid farxad bay ku seexdeen kadib markii ay soo xaqiijiyeen rabitaankii wiilkooda.

Subaxdii ayaa tilifoonkii guriga la soo wacay. Eebboow, war san iyo weersan. Toloow warkan la soo kallihiyay muxuu yahay? Meesha laga soo garaacayaa waa xaggee? Ma jeelkii baa? Mooyi. Toloow miyay dileen, illeen waa niman bahalo ah oo wax waliba ka suuroobee? Ma wax kale ayaa dhacay? Alloow sahal. Odaygii baa isaga oo naxdini ku jirto tilifoonkii qabtay. Qoor iyo xero, waaba inankiisii ama wiilkiisii Maxamed Badiic oo soo socda, jeelkiina laga soo daayay oo la soo saamaxay. Farxad weynaa.

Waa arrimo layaab leh oo isku sidkan ama isku aaday, waana mucjisooyin Rabbaani ah oo isku toos-toosan. Markii uu sawirka dhiibay, subaxdiiba Al-shanaawi ayaa la soo daayay. Galabtii ay aabbihii iyo hooyadii qoyskii inanta ama gabadha soo booqdeenna isagii baa la soo daayay. Wax waliba si fiican bay u socdaan.

Qoyskii Maxamed Badiic oo wada socda ayaa booqday qoyskii gabadha. Si fiican oo farxad leh baa loo soo dhaweeyay, waxyar markii la fadhiyay buu Shanaawi yiri: “Maxamedoow, orod hadda dhaadhac oo wadaad innoo doon, Ilaahayba waxa uu jeelkii innooga soo daayay in aad guursatee”.

Taw buu yiri oo wadaadkii soo qabay, inantiina halkii loogu meheri. Shilin lama weydiin oo ma buu haysan. 30 lacagta masaarida isticmaasho ah oo wadaadku ujuuro ahaan u qaatayna, aabbihii baa ka bixiyay. Markiiba inantii waa lagu soo daray oo gurigii aabbihii buu keenay.

Isaga oo bishii aqal-galka ku jira ayaa jaamacaddii uu ka shaqeyn jirey looga yeeray, wixii loogu yeerayna waxa uu noqday in uu shaqadiisii ku soo noqdo. Intaas oo kaliya ma ahee, waxa la soo siiyay kala-bar mushaharkiisii intii uu xirnaa. Halkaas buu noloshiisii iyo shaqadiisii dib uga bilaabay noloshana ay kuwada wadaageen gabadhii uu jeclaadey isagoo xabsiga ku jira.

Ninka qisadan ay ka hadleyso Maxamed Badiic oo ah hogaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Dalka Masar waa xili dhalainyaro uu ahaa markii arimahan xabsiga iyo jaceylka ay qabsadeen waxaase jirta in haatan isagoo 72 jir ah in isaga iyo madaxweynahii hore ee masar ee milatariga dalkaas ay inqilaabeen maxamed mursi ay wada xiran yahiin waana nin noloshiisa inta badan xabsi ku qaatey.

Walaal guud ahaan intaas ayey ku dhantahay Qisadan waanan kaaga mahad celinayaa waqtigaaga qiimaha badan inaad wax iga siisey aqriseyna qeybahii qisadan ay ka koobneyd waa inoo qisooyin iyo qormooyin kale oo xiiso badan Insha alah.

Qalinkii: Aadan Daahir Cabdullaahi

Hadalsame Media