“Ma doonayno inaan Dagaal 3-aad qoorta gashanno!” – Dal wayn oo NATO ah oo Ukraine runta u sheegay

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2022 – Waxaa soo kordhaya dalalka Galbeedka ah ee aan ku faraxsanayn qaabka loo wajahayo Dagaalka Ukraine oo sida muuqata uu Maraykanku doonayo inuu iska jiitamo.

Faransiiska ayaa hadda sheegay inay sii wadi doonaab “caawinta” Ukraine oo uu dagaal kala dhexeeyo Ruushka, balse aysan doonayn inuu faraha ka baxo, sida uu sheegay Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron.

Paris waxa ayaase waxa ay raadinaysaa in la joojiyo dagaalka, iyada oo aan loo gudbin oo aanu u xuub siiban “Dagaalka Saddexaad ee Adduunka” mana rabto in ay si toos ah ugu lug yeelato colaaddan, sida uu sheegay.

France is set to continue supporting the Ukrainian authorities, both directly and through imposing additional sanctions on Russia, Macron went on. “This war will last and France will always be there to help Ukraine and slow down the Russian economy,” he said.

Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu sii wado taageerada uu siiyo maamulka Ukraine, labadaba si toos ah iyo iyada oo la hirgeliyo cunaqabatayn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka, sida uu sheegay Macron.

Macron ayaa sidoo kale ka qayliyey wax uu ku sheegay “dagaal barxan” oo uu Ruushku kusoo qaaday Yurub sida inuu gaaskii ka jartay dalalka qaar.

Hadalsame Media