“Waxaan qaadaynaa Madaxwaynaha!” – Arag sida ay shirkaddani dadka ugu tacaddiso iyadoo dadkii ay siddey daadisa marka ay madaxdu dalbadaan

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2022 – Shirkadaha Duullimaadyada ee dalka Somalia ayaa laga sheegtay adeeg xumo iyo inaysan dadka wax u qaban xitaa kaddib marka ay wax dhacaan.

Mid ka mid ah ehelka dad raaci lahaa duullimaadka ayaa sameeyey qoraalkan:

Musuqmaasuqa Freedom Airlines

Waligeey ima soo marin diyaarad biniaadannimo xumadani ku jirto, ticket-ka aad sawirka uga jeeddaan ayaan ka jarannay oo taariikh ahaan ku aadan 14 Luulyo 2022 oo maanta ah, waqtiga bixitaanku wuxuu ahaa 6:30 am, maadama ay waqti hore oo subixii ah baxayso dadku waxay soo xaroodeen 4:00 am, markii counter-kii la yimid si boarding bus-ka loo qaato waxay yiraahdeen diyaaradda cillad ayaa haysata ee suga.

Sidii loo sugayey abaaro 5:15 am ayay boarding bus dadka siiyeen ay ku qoran tahay waqtiga bixitaanku waa 8:25 am markii la waydiiyey sababtu maxay tahay waxay yiraahdeen diyaaraddii Xamar (Muqdisho) ayay jirtaa waxay soo qaadaysaa Madaxwaynaha Hassan Sheikh Mohamud oo Kenya safar u soo ahaayä markii uu yimaado ayaadna raacaysiin.

Waa iska dulqaadannay markii waqtigii la dhaafay oo la marayo 8:35 am ayay dhaheen Madaxwaynihii waa baaqday diyaaradna la idiinma haayo berri ayaa la idin qaadayaa, marka ay dadka dhaheen diyaaraddu way cilladaysan tahay diyaaradu Xamar maba joogin ee Nairobi ayay joogtey oo dad gaar ah ayay ka qaadday sidaasna Xamar uga degtey, dadkii ticket-ku u jarnaayeena uga tagtay, oo waxay ka doorteen dad ayaga u gaar ah, iyo lacagta ay Madaxwaynaha ka helayaan e dadkii ay lacagta ka hormarsadeen ma aysan fiirin.

Dadka ay sidaas u gelayaan waxaa ku jira qoyskayga oo ah hooyo iyo gabar 2 bilood jirta oo kenya caafimaad loogu qaaday, bal ka warran hooyo iyo cunugeeda xalay 4:00am inta la soo kiciyey siday meel u fadhiyeen 9:00am la yiri diyaarad la idiinma haayo, booskoodiina dad kale la saaray.

Middaas waxaa iiga sii daran xafiiskooda Muqdisho ayaan tagay waxaan ku iri dhibaatadaas ayaa i haysata waxay iigu jawaabeen dhibaatadaas ma xallin karno ee meel kale la’aad.

Is jiijiid dheer kaddib waxaa la isiiyey lambarka gudoomiyaha oo lugu magacaabo Acbdirahman asagiina telefoonkii ma qabanayo, ilaa iyo hadda qoyskii garoonka ayay ku xayiran yihiin, oo bannaanka uma bixi karaan waayo visihii ay wateen Exit ayaa ku dhacay oo sidaas ayuu ku gubtay, waa in aan hadda kaddib visa kale u raadiyo si ay waddanka dib ugu laabtaan, inta laga helayana garoonka ayay ku dhax xayirnaanayaan.

Freesom Airlimes kama aysan fikirin dhibaatada ay u gaysan karto dadka ticketkeeda jartay ee waxay ka fikirtay lacagta ay ka qaadanaysey soo qaaditaanka Madaxwaynaha.

Anaga middaan waa nugu dhacdee adigana yaysan kugu dhicin ee diyaaradda aa raacaysid hadda kaddib iska fiiri waxa ay tahay iyo macaamiil wanaageeda.

FG: Dadkan waxaa lagu tuntay xuquuqdoodii madaniga ahayd. Waa in arrimahan sharci adag laga dejiyaa.

W; Q: Maxamed Deeq Cumar

Hadalsame Media