Ninkii xaaskiisa ka raacay gabadha reer Ukraine oo ay arrin cusubi lasoo deristey

0

(London) 14 Luulyo 2022 – Aabaha British-ka ah ee la cararay gabadha qaxootiga ahayd ee reer Ukraine ee u timid inay ku noolaato gurigiisa ayaa ogolaaday inuusan xiriir wax xiriir ah la samayn lammaanihiisii hore ee uu ka dal doorsaday.

Tony Garnett, oo 29 jir ah, ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamad, kaddib markii saaxiibtiisii ​​hore oo ay is qabeen muddo 10 sano ah, una dhashay laba carruur ah, ay dalbatay amar looga joojinayo inuu lasoo xiriiro.

Waxa ay arrinta tegistu timid kaddib markii Tony uu mar qura ka dhaqaajiyey Lorna, oo 28 jir ah, markii uu aad ula dhacay Sofiia Karkadym oo u timid inay iyaga ula noolaato qaxooti ahaan.

Ninkan oo waardiye ahaa ayaa wuxuu ka tegey gurigii uu la wadaagayey Lorna iyo labadooda gabdhood ee yaryar si uu nolol cusub ula bilaabo Sofiya, 22-ji, toban maalmood uun kaddib markii ay kasoo qaxday dagaalka Ukraine.

Wuxuu yiri: ”Wax farqi ah iguma samaynayso, waayo ma daneeyo Lorna, kaliya waxaan daneeyaa inaan arko carruurtayda, taasna maanta ayaan caddeeyay. Garsoorku wuxuu amray inaanan la xiriirin iyaduna aysan ila soo xiririi karin. “

Ma cadda waxa ay dacwadda Lorna ku salaysan tahay, laakiin waxaa la rumaysan yahay in labada dhinacba ay eedaymo isu jeediyeen tan iyo markii ay kala tageen xilli uu xiriirka u dhexeeyaa uu weli sii xumaanayo.

Hadalsame Media