Ronaldo oo dalab qaali ah ka helay koox ka dhisan Bariga Dhexe (Imisa ayaa lagu doonayaa?)

0

(Hadalsame) 14 Luulyo 2022 – Xidigga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu ku noolaado Bariga Dhexe kaddib markii la sheegay in loo soo bandhigay lacag dhan 300 milyan oo Doollar oo uu ka helay koox aan la magacaabin.

Ku guulaystahan Ballon d’Or iyo Champions League, oo iminka 37 jir ah, ayaa hadda raadinaya shaqo-bixiye cusub oo ugu yaboohi kara kubbadda cagta tartanka kooxaha sare ee UEFA.

Kaddib markii ay diideen kooxaha sida Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Bayern Munich, si kastaba ha ahaatee, Portuguese-kan ayaa waxaa ka sii dhamaanaya dookhyadii uu kala dooran lahaa.

Sida laga soo xigtey TVI iyo CNN, haddii Ronaldo uu doonayo lacago badan markaas waa inuusan ka fogaan Sucuudiga, halkaasoo ay koox aan la magacaabini ay u soo bandhigtay 300 milyan oo Euro ($ 300 milyan oo Doollar).

Ronaldo ayaa weli waxaa qandaraaskiisa United ka haray hal xilli-ciyaareed taasoo uu kaga soo biiray dhanka Juventus, dalabka Sacuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay 2 sano oo uu joogayo dalkan Bariga Dhexe.

Hadalsame Media