Maxay iskaga mid yihiin heshiiska maanta & midkii 3-geesoodka ahaa ee 2018 (Aqri tibxaha)

0

(Asmara) 12 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ku jooga dalka Ereteriya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Labada Madaxwayne ayaa gaarey heshiis ka kooban 7 qodob oo asaas u noqonaya sii wadista xiriirka labada dal.

Haddaba, muxuu heshiiskani uga duwan yahay heshiis ay 6-dii Sebtembar 2018-kii ku gaareen  madaxda Somalia, Eritrea iyo Itoobiya, iyadoo xilligaa uu MW hore ee Somalia kaligii socdey sida hadda. Hoos ka akhri tibxihiisii oo u qornaa:

Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Sidoo kale, iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta.

Haddaba, iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-

1. Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.
2. Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.
3. Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.
4. Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

 

Hadalsame Media