Maraykanka oo rucub hor leh ka muujiyey arrin Ruushku soo wado (Arrinta uu ka baqayo ee uu diiddan yahay?)

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2022 – Dagaalka socda ee u dhexeeya Moscow iyo Kiev ayaa laga yaabaa inuu halis geliyo nidaamka adduunka ee haatan jira, sida uu qabo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Antony Blinken oo warbaahinta dadwaynaha Thailand la hadlayet Isniintii.

Sida laga soo xigtey Blinken, Ruushku “waxay caqabad ku yihiin” wax uu ugu yeeray “duni sharci-ku-dhisan” wuxuuna abuuri doonaa xaqiiqo cusub oo caalami ah haddii loo ogolaado inuu gaaro yoolalkiisa Ukraine.

Xeerarka caalamiga ah ee jira waxay ku salaysan yihiin “is faham aasaasi ah,” Blinken ayaa ku dooday, isaga oo magacaabay “ixtiraamka madaxbannaanida xukun, madaxbannaanida geyi, madaxbannaanida guud, xuquuqda aadanaha” oo uu ku sheegay “aasaska” duni kala dambaysa oo hoos tagta ama adeecda cahdiyada Qaramada Midoobey.

Ruushku “gardarrada ka dhanka ah Ukraine” ee uu wado ayaa caqabad ku ah dhammaan qodobbadaas, ayuu yiri Blinken.

“Haddii Ruushka loo oggolaado inuu sameeyo waxa uu sameynayo, taasi waxay la macno tahay inaan dib ugu laaban doono adduun ku dhisan “ninkii xoog leh ayay xaajo u toostaa”, taas oo quruumaha waawayni ay u cagajugleyn karaan quruumaha yaryar,” taas oo noqon doonta” mid lid ku ah duni xeerar iyo nidaam ku salaysan,” ayuu raaciyey.

Marka laga soo tago in Moscow ay u dhaqanto sida qas-wadayaasha caalamiga ah, Blinken wuxuu sheegay in Beijing ay iyana “caqabad ku tahay nidaamka dunida marka ay timaado habka ay ugu dhaqanto gardarrada sii kordhaysa ee gobolka, iyo cadaadiska sii kordhaya ee maxalliga ah.” Ma uusan sharixin waxa uu ula jeedo “gardarrada” Shiinaha.

Islamarahaantaana, Blinken wuxuu ugu yeeray xiriirka Maraykanka ee Shiinaha “mid ka mid ah cilaaqaadka ugu saameynta badan, mid ka mid ah cilaaqaadka ugu dhibka badan,” isagoo raaciyey in Washington ay wali rajaynayso inay “hesho habab iskaashi ah” oo ay la yeelato Beijing tiiyoo uu jiro “tartan” u dhexeeya labada waddan.

Hadalsame Media