MW Somalia oo dalka kusoo laabtay (2 su’aalood oo safarkiisa ka dhashay?)

0

(Muqdiaho) 12 Luulyo 2022 – MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Muqdisho kaddib markii saaka laga soo sagootiyey caasimadda Casmara.

Taas ayaa soo gabagabeeysey booqasho rasmi ah oo 4 cisho ahayd oo uu ku joogey dalka Eritrea oo uu heshiis 7 qodob ah lasoo galay.

Waxaa la is waydiinayaa 2 su’aalood oo ay midi tahay sababta uu MW Xasan u safrayo isagoo ku dhowaad kaligiis ah oo aysan wehlinin madax heer sare ah, taasoo lagu dhaliili jirey Farmaajo.

Tusaale, safarkan kuma wehlin mas’uuliyiin kale, marka laga reebo Ilaalo iyo maamuus kaliya.

2 – Waxa kale oo la is waydiinayaa waxa ku dhacay Warfaafinta Madaxtooyada maadaama ay shacabku u oomanaayeen xog ku aaddan safarkan oo ay micne gaar ah u yeelaysey wiilasha askarta ah ee dalkaa ku maqnaa.

Tusaale, safarka Madaxwaynaha iyo booqashadiisa waxaa lagala socdey Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel.

Hadalsame Media