Heshiis 7 qodob ka kooban oo la gaarey (Eritrea oo ballanqaadday inay dhayi doonto dhib ay horay u gaysatey)

0

(Asmara) 12 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ku jooga dalka Ereteriya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Labada Madaxwayne ayaa gaarey heshiis ka kooban 7 qodob oo asaas u noqonaya sii wadista xiriirka labada dal.

Waxaa uu heshiisku diiradda saarayaa iskaashi laba geesood ah oo taabanaya dhinacyada kala duwan sida siyaasadda, ganacsiga, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, degaanka, difaaca & amniga.

Labada dal ayaa samayn doona isdhexgal dhaqan-dhaqaale iyo maalgashiyo dhinaca ganacsiga ah.

Eritrea ayaa gacan wayn ka gaysan doonta la dagaallanka kooxda Al Shabaab oo la fahamsan yahay inay iyadu u dhistay sirdoonka ay haatan leeyihiin.

Hadalsame Media

Facebook Comments