Ballanqaad uu horay u sameeyey MW Somalia oo uu waqtigu kasii dhammaanayo

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2022 – Waraysi uu Madaxweyne Xasan Shiikh siiyay VOA maalinkii uu xilka la wareegay ayaa lagu waydiiyay qorshihiisa boqolka maalmood ee ugu horreysa. Wuxuuna ku jawaabay:

“Boqolka maalmood ee ugu horreysa dhawr sharci oo dalkaan muhiim u ah ayaan horgeyn doonnaa Baarlamaanka.

Boqolka maalmood ee ugu horreysa waxaan xoogga saari doonnaa in aan soo gebagabayno deyncafinta.

Boqolka maalmood ee ugu horreyso waxaan dib-u-habeyn ku sameyn doonnaa hey’adaha amniga, sharciyaddooda iyo qaabdhismoodkoodaba.”

50 maalmood ayaa maanta laga joogaa maalinkii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana boqolkii maalmood uga harsan 50 maalin oo ay ku jirto magacaabista iyo ansixinta Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Xasan wuxuu yiri “Dowladdeyda waxaa lagu la xisaabtami doonaa waxqabad.” Tolow muxuu ilaa hadda ka qabtay ballanqaadyadii uu sameeyay, mase ku fulin karaa 50ka maalin ee uga harsan boqolka maalmood?

W; Q: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media