Al Jazeera oo soo hadalqaadday arrin Muqdisho horumar looga haystey balse ay halisi kasoo socoto

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2022 – Hilinka Al Jazeera qaybta af Ingiriisiga ku hadasha ayaa qoraal dheer ka sameeyey isbedellada dhanka dhismaha ee ka soconaya Muqdisho.

Waxay diiradda saareen sida dhismayaasha cusub ee cirka ku tolani aanay u caawinayn dadka magaalada marka la eego dhinaca sicirka.

Muqdisho oo 10 sano uun kahor Villa xiran lagu ijaaran jirey $50 Doollar oo qura iyo wax aan ka fogayn, ayaa haatan meelaha qaar hal qayb-guri lagu ijaarayaa wax ka badan, weliba waa sicirka dhexe ee meelaha qaar waa kun iyo ka badan.

Waxaa kale oo qoraalka lagu taabtay in Muqdisho marka laga soo tago sicirka guryaha ay misna tahay meesha ugu koronto qaalisan dunida.

Arrintan ayay dhaqaale yahanku marar badan is waydiiyaan maadaama caadiyan sicirrada lagu sargooyo awoodda wax iibsi ee shacabka.

Ha yeeshee, Somalia oo ka mid ah meelaha dunida ugu faqrisan ayaan misna waxaan isla socon sicirka suuqa iyo tabarta shacabka, waxaana eedda la saaray dalka oo aan lahayn nidaam sicirrada xakameeya iyo ganacsato doonaysa inay 2 maalmood ku hodmaan.

Halkan ka aqri…

Hadalsame Media

Facebook Comments